Maareeye ku-xigeenkii 2aad ee dekedda Berbera oo iscasilay, kana hadlay sababta shaqo-ka-tegistiisa
Berbera June 23, 2013 (SDN)- Maareeye ku-xigeenka 2aad ee dekedda Berbera Mr. Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad), ayaa iska casilay xilkaas oo uu hayay muddo laba sannadood ku dhow.
Mr. Waxdad oo u waramay telefishanka HCTV, wuxuu eedaymo u jeediyay Maareeyaha dekedda Berbera Mr Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo uu sheegay inuu dartii shaqada uga tegay.
“Mudane Madaxweyne, waxaan maanta halkan ka shaacinayaa in aan iska casilay xilkii Maareeye ku-xigeenka 2aad ee dekedda Berbera,” ayuu yidhi Mr. Waxdad.
Waxa uu sheegay inuu isu-casilay markii uu xaqiiqsaday in sida uu sheegay aanu la sii shaqayn karin Maareeyaha dekedda Berbera. “Sababta aan isu-casilay waxa weeye; Maareeyaha dekedda Berbera oo ah nin aan lala shaqayn karaynin,” ayuu yidhi Maareeye ku-xigeenka iscasilay.
Waxa uu sheegay in muddo sanad iyo badh ah oo uu xilkaas hayay uu duruuftaas adag uu Maareeyihiisa ka tirsaday ku shaqaynayay.
Qurbejoog.com, Berbera