|

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan la Qaatay Xulalkii ku Guulaystay Tartamadii Ciyaaraha Gobolada

Hargaysa 22.June (SDN) Madaxweynaha jsl mudane axmed maxamed maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay  xulalaka Gobolada maroodi jeex iyo Gabilay  ee ku kala guulaystay koobabkii kubada cagta iyo kolayga tartankii ciyaaraha Gobolada Dalka ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay garoonka kubada ee magaalada Hargaysa.

xulka kubadda cagta ee Gobolka maroodi jeex oo isagu hantiyay koobka kubada cagta ee ciyaaraha gobolda iyo xulka Gobolka Gabilay oo qaaday koobka kubada kolayga ee tartankaas,ayaa madaxweynaha Somaliland waxa uu si weyn ugu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada , waxaana uu halkaas uga soo jeediyay hadalo bogaadin iyo dhiiri gelin isugu jira.

Madaxweynaha Somaliland md. axmed maxamed maxamuud waxa uu dhalin yaradaas Halkaas uga soo  ujeediyay in ciyaarahu     bulshada isdhexgalkooda qayb libaax ka qaataan isla markaana ka dheeryihiin waxyaabaha umada kala fogeeya ee qabyaaladu ka mid tahay.

Madaxweynuhu wax uu halkaas  bogaadin uga soo jeedyay ciyaartoyga kubada cagta ee Gobolka maroodi jeex iyo ciyaartoyga kubada kolayga ee gobolka Gabilay isaga oo kula dar daarmay in ay halkaas kasii wadaan dadaalkooda dhinaca ciyaaraha si ay u beegsadaan in ay qarankan ku matalaan ciyaaraha caalamiga ah.

Waxa kulankaas qaabilaada madaxweynaha ee ciyaartoygaas  goobjoog ka ahaa  wasiirada Dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane cali siciid Raygal iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha wasiirada  , Afhayeenka madaxtooyada. Gudoomiyayaasha Goblada Maroodi jeex iyo Gabilay, mayarka magaalada Gabilay iyo masuuliyiin kale.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed