Taageereyaasha Madaxweynaha Masar oo isu soo bax weyn Sameeyay,xili Mucaaridku is abaabulayo
Qahira June 22,2013(SDN)-Taageereyasha xisbiga talada dalka Masar gacanta ku haya ayaa shalay magaalada Qahira ku soo bandhigay isu soo bax weyn oo ay ku taageerayaan xukuumada dalkaasi.
Taageereyaasha Akhwaanka oo tiradoodu ka badan tahay 100,000 ayaa ku hadaaqayay”Kacaan Islami ah”.
Urur siyaasadeedka Ikhwaanka ayaa banaabax hortii ku baaqay in nabada la ilaaliyo,balse isu soo baxa ayaa u muuqday mid mucaaridka loogu hanjebaayo.
“Waxaanu cadeyneynaa in aanu dhiigayaga aanu ku difaaci doono sharciga”sidaa waxaa ku khudbadeeyay Maxamed el-Beltagy oo ka mida madaxda sare ee ururka Ikhwaanka.
Dadka isu soo baxa ka qeybgalay oo u badnaa culimo ayaa xirnaa midabka Ikhwaanku caanka ku yahay ee Akhtarka ama Cagaarka.
Isu soo baxan ayaa lagu soo beegay maalmo ka hor Banaabax u qorsheysan mucaaridka madaxweyne Maxamed Morsi.
Mucaaridka dawlada Masar ayaa sheegay in ay isu soo bax sameeyn doona sanad guurada 1aad ee ka soo wareegtay xiligii uu talada dalkaasi qabtay.
Taageereyaasha madaxweyne Morsi ayaa sheegay in ay bisha 30keeda ay burburin doonaan isu soo baxayaasha mucaaridka ah.
Si kastaba ha ahaatee xaalada Masar ayaa kacsan,waxaana dhici karta in dalkaasi uu dib ugu noqdo qalalaasayaashi xilka ka tuuray xukuumadii hore.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com