Burcad loo qabqabtay Boobkii loo Geystay MeheradO Soomaali ah oo Konfur Africa
King William Town June 22,2013(SDN)-Booliska dalka Konfur Africa ayaa sheegay in ay Burcad u soo qabqateen Boob dhawaan loo geystay qaar ka mida meheradaha ku yaal dalkaasi.
Booliiska magaalada King William Town ayaa sheegay in ay Afar ruux ka soo qabteen aag ay ku yaaliin meherado Soomaali ah oo qaar ka mida la dhacay dhawaan.
Booliiska ayaa sheegay in Burcadu ay la socotay gaari aan laheyn aqoonso,kolkii ay joojiyeena ay ka heleen hub iyo qalab dhawaan laga boobay meherad Soomaaliyeed.
Booliiska ayaa Sheegay in Ragan dhawaan la horgeyn doono maxkamad isla magaaladaasi ku taala oo dhegeysan doonta eedaha loo soo jeediyo.
Ciidamada amaaka iyo Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Jacob Zuma ayaa lagu eedeeyay in ay indhaha ka duween dhacdooyinka naxdinta leh ee lagu leynayay laguna boobayay Soomaalidaa dalkaa ku nool.
Boobka iyo dilalka Soomaalida lagula kaco ayaa weli halkoodii ka sii socda iyada oo Burcadu haatan bartilmaansato meheradaha ay ku leeyihiin magaalada waaweyn ee dalkaasi.
SDN-King Willaims Town
contact@somalidiasporanews.com