Abwaan Huryo: hibo hal-abuur hantiday!
Iyaga iyo Allahoode, waxay yidhaahdeen Nin dhalinyaro ah ayaa xilliyadii 1980-dii waxa uu ka hawlgali jiray mid ka mid ah laamihii dawladda ee xilliyadaas oo ahayd waaxda duulimaadyada cirka iyo hawada.
Waxay soo wariyeen in xilli xilliyadaas ka mid ah ay inankaas dhalinyarada ah is barteen gabadh. Waxanay gabadhaas oo ay in muddo ah sheeko wadaag ahaayeen ugu dambayntii isla meel dhigeen ballan guur ku qotoma.
Hadaba intii uu wiilku ku jiray diyaar garawga iyo habaynta gurigii uu la wadaagi lahaa gabadhan ay sheekadu iskugu dubba dhacday ayey inantii maalin maalmaha ka mid ah usoo gudbisay codsi culus.
Waxay soo tebiyeen in ay wiilka ay ka codsattay maadaama uu dawladda ku jiro gaar ahaan hay’ad ka mid ah kuwa ka shaqeeya socdaalka in uu iyada iyo qoyskeeda usoo saaro dal ku gal ama Visa ay ugu baqoolaan dalka Sacuudiga oo malahayga xilliyadaas ka mid ahaa waddamada ay soomaalidu sida aadka ah ugu tacabbiri jireen iyagoo rajaynaya in nolol ka wanaagsan tii uu xilligaa dalku ku jiray ay halkaa ka heli doonaan.
Haddaba inkasta oo ay hawshaasi culayskeeda wadatay hadana wiilkii waxa uu u geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay isla markaana uu xil-gaar ah iska saaray sidii uu uga jawaabi lahaa ugana midho-dhalin lahaa codsigii koowaad ee kaga yimid gabadhii uu ku hanwaynaa kana rajada qabay in ay noqon doonto xaaskiisa iyo hooyada carruurta uu aabaha u noqon doono.
Galladi waa ta Rabbiye, Ninkii Alle waa u fududeeyey arrinkii oo wuu ku asturay hawshii, gabadhii iyo qoyskeediina waxay ugu dambayntii si fudud u galeen dalkii ay rabeen iyagoo diyaarad kaga tallaabay gacanka cadmeed ee inoo dhaxeeya inaga iyo dalalka khaliijka.
Xaalladdii kala guurka ahayd kadib haasaawihii labada dhinac wuxu isku bedelay dhankii waraaqaha iyo farriimaha qoraalka ah, maadaama oo aanu xilligaas jirin horumarka isgaadhsiinta ee maanta jiraana waxay kallifaysay in kala warhelistoodu ay waqtigeeda iyo duruufteeda qaadato!.
Wax ay sheekadu socotaba oo kolba bil waraaq la is waydaarsado ku saabsan sida hawshii qaban qaabada iyo diyaar garawgu u socoto, maalintii dambe ayaa xaajadu indho kale la soo baxday, waayuhuna dhan kale ka fadkudiyey. Wiilkii waxa Xafiiskii boosaha (post office-ka) loo soo dhigay cajalad iyo waraaq wada socda. Haddii uu cajaladii rikoodh la raadsaday warqaddiina akhriyey waxa kaga soo baxday arooska gabadhii ay sheekadu u socotay!!! Ma maqli jirteen waxaasi waa “FILAN WAA IYO AF-KALA QAAD!!!”
Waxa la yidhi ninkii horta miyir waa kala tageen, hadalna haba sheegin!
Dhacdada waxa si dhaw ula socday oo malaha ay wiilka is yaqaaneen abwaankii, jilaagii iyo majaajileystihii caanka ahaa ee Maxamed Cumar Huryo (AHUN). Huryo oo warkiisa heley miskiinkan ayaa booqasho ugu tagay si uu xaalkiisa wax uga soo ogaado, waxanu dul istaagay ninkii isaga ahaa oo xaalkiisii weli uu ku jiro dawakh iyo Shoog “Shock”.
Hadaba huryo maadaama uu ahaa nin mu’allifnimada Alle uu hibo u siiyey oo uu ku mannaystay, wuxu ninkan dhalinyarada ah arrinkiisa iyo xaalkiisaba kaga hadlay oo ku suntay Hees caan ah oo bulshadu si badan ugu dhagtaagaan. Waxanse u badinayaa in xiisaha bulshadu aanu ku imanayn iyagoo sheekada maqlaye se uu ku imanayo maadaama ay heesta ku luuqayso Fanaanadda codka haweenka heesa looga hadhay ee Khadra Daahir.
Isagoo heesta kaga hadlaya ninkaas iyo xaaladdii uu ku jiray xilligii uu booqday oo aad mooddo in maankiisa uu ku jiro laakiin aan ku jirine si fiican uga kalluumaystay ishiisa iyo oogadiisa wixii dareen iyo walbahaar ka muuqday wuxu ereyo qurux badan iyo hadal murtiyeysanba ku yidhi:
“In uu beer jacayloo,
kalgacayl ku baahiyo,
Hadalada baroortii,
boogaha damqinayaan,
Oo ku baabay maqalnaye,
Baxnaanadu siday tahay,
Haddii aad weli bastaa tahay,
Allahayaw ku samo bixiyeey!
“Cabdaw beri samaadkii,
marka sheeko baraley,
Kaftan laysla beegsado,
Ma baraarugtaayoo,
Boholyaw ma oydaa!!!”
“Wadnahaagu bihin-bihaa,
Qof badwayn dusheediyo,
Ka tallaabay buuraha,
Ma u baaqayaayoo,
Weli ma u baroortaa!!
Bidhaan uu san gaadhayn,
Biligteeda muuqaa!”
Ma kadaba baqoolaa,
Bacadkiyo kulaylaha,
Dhibta ma u badheedhaa!”
Haddii baydka hore ee heesta uu abwaanku kaga sheekeeyey dareenkii guud ee wiilka iyo xaaladdiisa, Baydka xiga waxa uu si toos ah ula hadlayaa wiilka isagoo ku dhiirigelinaya in aan jil-jileec iyo baraq nuglaan looga fadhiyin ee ay tahay in uu boodhka iska tumo arrintanna cashar ahaan iyo dersi ahaan u qudh-qudhiyo, isagoo ku samirsiinaya in inan-rag uu lawada mid yahay oo ay la wadaagaan dhacdooyinkan oo kale islamarkaana ay dhibanayaal u wada yihiin dhibta kasoo gaadhaysa dabinada haweenku ay raga u maleegaan, isagoo samirsiinayana wuxu odhanayaa abwaanku:
“Bukaan socodka liittaa,
Dadka waa ku badanyahaye,
Ha u baraq nuglaanin hawl,
cirka baaxaddiisa leeg,”
“Barashadan is nuugtiyo,
Axdigaagan baaba’ay,
Haweenbaad ku barataye,
Ka adkayso baylahoo,
Oo hakadaba balanbalin”
Gabagabada heesta abwaan Huryo kamuu illaawin wiilka ducadii ee mid wayn ayuu u huwinayaa isagoo Alle uga rajaynaya bash-bash iyo barwaaqo uu ku illoobo duruufta maanta dul hogonaysa inanka, isagoo ducada ka gadaalna heesta kusoo xidhay beyd culays iyo miisaanba leh oo aan is idhi yaa si gaar ah u gunta dar-daarankaas. wuxuna leeyahay huryo:
“Adaan kuu birmanayee,
Bash-bash iyo barwaaqiyo,
Badhaadhaan rajeeyee,”
“adaan kuu birmanayee,
Samir wehesho weligaa,
yaan dantaadu baylihin”
…………………………………………..
“Adaan kuu birmanayee,
Samir weel ka buuxsoo weligaa,
Oo yaan dantaadu baylihin cabdi!!!!”
Ma istidhi abwaanku wuxu wiilka u qarinayaa weedhii ahayd “Ka maydho wixii kusoo maray!”? hadana Markale ma istidhi abwaanku wuxu si fiican u darsay xasuusaha soo gaaxanaya ee wiilkan dhibanaha u noqday ballanburinta qof uu ka tallaabiyey bad iyo buuraba oo sababtiisa ku aadday dalwayne, dad iyo deegaanba ka duwan kana fog meesha iyo kobta uu ka tiiraanyoonayo isagu.
“Waa adiga iyo nasiibkaa” inta uu yidhaahdo ayuu qof aan abwaan iyo hal-abuur ahayni odhanlahaa inta uu aayar ka dhaqaaqo laakiin HURYO abwaanimadiisa ayuu ugu hiiliyey wiilkan iyo kumanaan kale oo rag ah oo ka dahsoon indhaha dadka laakiin meelo kala duwan iyo siyaabo kala duwan ugu tabaalaysan wacdaraha ay badeen caalamka haweenku.
Si kastaba ha ahaattee si aynu uga garnaqno lamaanahaas midka jacaylka gefka ka galay isla markaana aynu caddaaladda u horkeeno waxa muhiim ah in aynu ugu horeyn helno qof si waafi ah inoogu soo tebiya sababta gabadha ku keliftay in ay qaadato go’aan ka duwan kii ay ku heshiiyeen wiilkii sababta u ahaa in ay nolol raaxo leh kula noolaato qoyskeeda waddan ay in badan ku riyoonaysay joogistiisa.
Mahadsanidiin
Faisal Jama Gelle
Hargeisa,Somaliland