|

Wargeyska Washington Post oo Faalo ka Qoray in la Hubeeyo Mucaaridka Suuriya

Washington June 21,2013(SDN)-Wargayska dalka Maraykanka ee Washington Post  ayaa todobaaadkan badhtamihiisii waxa uu diidmo ka muujiyey qorshaaha ku saabsan in dawladda maraykanku ay hubayso Mucaaradka Suuriya

Wargaysku waxa uu qorshahaas ku sifeeyey mid sii kordhin kara dhiigga qulqulaya dalkaas isla markaana burbur intaa ka sii badan gaysan kara. halka sidoo kalena wargaysku sheegay in barnaamijka Madaxweyne Obama ee ku saabsan in la hubeeyo mucaaradka suuriya aanu ahayn mid soo afjaraya ama ilaa xad  hoos u dhigaya dagaalada ka holcaya wadankaasi.

Washington Post waxa uu baahiyey in kaalmo millateri oo la siiyo mucaaradka suuriya aan looga arkaynin gudaha maraykanka arin dhinaca gargaarka ah, halka sidoo kalena qorshaha ameerikaanku  ku hubayn karaan mucaaradka suuriya ay ka habboonayd in duqayn cirka ah lagu sameeyo, hadiiba ay dhab noqoto in Bashaar al asad uu hubka kiimikada u isticmaalay dagaalkiisa uu kula jiro kooxaha mucaaradka ah.

Comments are closed