|

Saxaafadda Sucudiga oo Dhaliilo u Jeedisay Sheekh Al-Careefi

Cukaad saudi 19.June,2013(SDN)-Saxaafadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si weyn dhaliilo ugu jeediyey sheekha  shacbiyadda balaadhan ku leh wadankaasi ee Sh Maxamed Al Cariifi oo ah sheekh sunni ah, ka dib markii uu si cad uga dalbaday dhalinyarada inay ka qayb galaan dagaalka lagu ridayo Bashaar al asad, xilli uu sheekhu safar ku marayey dalka Boqortooyada Britain.

Wargayska CUKAAD ayaa bogiisa hore ku daabacay warbixin uu cinwaan uga dhigay Sh Cariifi, sheekha Mujaahidiinta Barcklays halkaas oo ah mid kamid ah shawaaricda magaalada London.

Wargayska Cukaad ayaa intaa raaciyey in Sheekhu ku dhawaaqay Jihaad laga galo suuriya, taas oo uu ku soo sawiray kartoon muujinayey sheekha oo hogaaminaa ciidan Shan kun gaadhaya kuwaasoo uu wargaysku ula jeedo dadka  bogiisa tuwitter-ka ku xidhan, isla markaana leh ((Cadowga ayaa horteena ka muuqda, waxana inaga dambeeya Suuqii Harouds)) suuqaas oo ah mid ku yaalla magaalada London.

Dhankeeda wargayska AL_YOUM ee ka soo baxa magaalada Damaam ee boqortooyada Sucuudiga ayaa isna qoray (( Miskiin Yaa cariifi,)) waxa uu u hadlay sidii nin aan weligii ka tegayn dunidan quruxdeeda iyo udgoonkeeda, halka uu wargaysku qaybta dambe ee warbixintiisa ku daray (( faraska ka booday Turkiga ee ku degay Barkcly, waxaa suurogal ah inuu beri ka qadeeyo Konfeer-ka lugaha dhuudhuuba.

SDN-Cukaad
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed