Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Qaxoontiga adduunka oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 20.June (SDN) Maalinta Qaxootiga adduunka oo ku beegan 20-ka bisha June ayaa maanta si weyn looga xusay dalka JSL
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda iyo hay’adaha samafalka caalamiga ah ayaa waxaa hadal ka jeediyey Mr Marcos oo ka socday Hay’adda UNHCR, isagoo ka waramay taariikhda ay leedahay malinta qaxootiga adduunka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in caruurta qaxootiga ah loo agaasimo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah noloshooda iyo mustaqbalkooda sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda Somaliland Md Galaydh iyo agaasimaha waaxda Qaxootiyada ee wasaaradda dib u dejinta Md cabdi Axmed oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay ixtiraamkii loo baahnaa siiso dadka qaxootiga ah ee wadankeeda ku sugan, taa bedelkeedana waxa ay u soo jeediyeen dadka qaxootiga ahi inay xaq dhowraan shuruucda u taalla dalkan una hogaansamaan hanaanka sharci ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha ammaanka iyo bulshada ee dalkan JSL.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com