Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo Shaaciyay Talaabooyin ay ka qaadayaan Cidii ku Khaldanta Ciyaarta Finalka ee Gobolada
Hargaysa 20.June (SDN) Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Md Maxamuud Maxamed Axmed Jeeni yare ayaa manta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay talaabooyin ay maamul gobol ahaan qaadi doonaan , waxana uu ka dalbaday Dadweynaha Gobolka Maroodijeex inay degenaansho muujiyaan marka ay dhacayso ciyaaraha Final-ka ee Kubadda cagta iyo Kolayga ee tartanka ciyaaraha Gobolada.
Md Jeeni yare waxa uu sheegay in ammaanka gobolka la adkaynayo isla markaana talaabooyin adag laga qaadi doono shaqsiyaad dembi falayaal ah oo maalmahan dambe isku deyaya inay dhaawacaan amniga gobolka isla markaana gaystay labo fal oo amni-darro.
Badhasaabku waxa uu tilmaamay in maamulka Gobolka oo kaashanaya ciidamada ammaanku ay gudanayaan waajibaadka ka saaran adkaynta ammaanka iyo xasiloonada ay u baahan yihiin shacbiga Gobolka iyo guud ahaan umadda Somaliland.
Dhanka kalena Md maxamuud Jeeniyare waxa uu u soo jeediyey dadweynaha Gobolka Maroodijeex inay deganaanshaha loo baahan yahay muujiyaan marka ay dhacayaan ciyaaraha Final-ka ee Kubadda cagta iyo Kolayga ee tartanka ciyaraha Gobolada Somaliland, ciyaarahaas oo uu martigeliyey sanadkan G/Maroodijeex.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com