|

Ururkii Haray ee Xaqsoor oo mar kale ku celiyay in aaney la heshiin Xukuumada Somaliland

Hargeysa June20,2013(SDN)-Guddoomiyaha Urukii Xaqsoor ee ku haray doorashooyinkii golaha degaanka ee Somaliland Md Xasan Ciise ayaa mar kale ku celiyay in ururkiisa iyo Xukuumada Axmed Siilaanyo aaney Heshiinin.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaa ku yiri war saxaafada loogu talogalay oo arinkan ku saabsan oo uu soo saaray,qoraalkaas oo dhameystirana waxa uu u qoraa sidan;

“Wadahadaladii ka dhaxeeyay ururka xaqsoor iyo xukuumadda Somaliland qaybtiisii hore waxay ku dhamaatay afar qodob oo guud oo ay isku raaceen gudigii laba geesoodka ahaa. Gudigaasi muddo sadex bilood ah ayuu muujiyey dadaal badan waanay ku mahadsan yihiin.

Waxa markaas hadhsan in qaybta labaad ee wada hadalada loogu tallo galo in tafaasiishii loo galo.

Marka marxaladaas labaad la gabagabeeyo ayaa dadka loo sheegi karaa tafaasiisha qodobada lagu heshiiyo.
Imika waa la heshiiyeyna waa la yidhi dadkiina looma sheegin waxa lagu heshiiyey waxa uu yahay. Sababta oo ah waxa aan la gaadhin oo aan imika la ahayn tafaasiishii qodobada ay tahay in lagu heshiiyey.

Arrintani waxay dhalisay su’aalo ka badan inta ay ka jawaabtay. Waxa aan xasuusinayaa taageerayaasha Xaqsoor iyo shicibka Somaliland in Xaqsoor aan cidina uga lexojeclo badnayn wanaaga dalka Somaliland iyo midnimada dadweynaha reer Somaliland.

Xaqsoor si daacad ah ayuu u galay wadahaladan,waxaanu diyaar u yahay inuu ku dhamaystiro si cadaalad ah oo xaqsooraysan oo ay ku jirto danta iyo wanaaga wadankeenan qaaliga ah ee Somaliland. Waa hadii laga helo dhinaca kale ee xukuumada maanta xilka iyo amaanadu saaran tahay.”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed