Madaxweynaha Afgaanistaan oo ka biyo Diiday in Mareykanku ka qeybgalo wadahadalada Taalibaanka uu la yeelanayo
Kabul June 20,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Afgaanistaan Xamid Karzi oo ay talada dalkaasi u dhiibeen xoogagii Mareykanku hogaaminayay ee dalkaasi qabsaday sanadii 2001dii ayaa ka biyo diiday in Mareykanku ka qeybgalo wadahadalada dhawaan u furmi doona dawladiisa iyo dagaalyahanada Taalibaan.
Taalibaan ayaaogolaaday in ay wadahadalo la galaan dawlada Afgaanistaan ka dib kolkii dawladaasi aqbashay in ciidamada NATO ay dalkaasi ka baxaan.
Taalibaanka ayaa sidoo kale xiriirka u jaray dhamaan kooxaha ajaanibka ah ee xagjiriinta ah ee ay hore magangelyada u siin jiree.
Madaxweynaha Afgaanistaan ayaa dalbadau in dawladiisa iyo Talibaan isugu keliyeystaan wadahadalada.
Halka dawlaa Mareykanku ay shaacisay in ay dooneyso in ay goob-joog ahaato kolka lbada dhan ay wada hadlayaan.
Dawladaha reer galbeedka ayaa dhawaan kooxda Talibaan ka saaray diiwaanka kooxaha xagjirka ah ee caalamka.
Madaxweyne Xamid Karzi ayaa intii aanu dalkaasi madaxweynaha ka noqon ku noolaa dalka Mareykanka mudo dheer isla markaana xilka uu haatan hayo loo soo xulay.
Mudo dheer oo uu madaxweyne ahaana waxa haatan muuqda in dawladiisa iyo Mareykanku ku kala fikrado duwan yihiin siyaasada dalka Afgaanista.
Mareykanka ayaa tiroba dhawr jeer ku eedeeyay xukuumada Karzi in ay tahay mid dib u socod ah oo ku hawlan lunsashada hantida dalkaa reer galbeedku ugu deeqaan si wax looga qabto xaaladaha guracan ee dalkaasi ka jira.
SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com