|

Mareykanka oo Buuraanta Xad-dhaafka ah loo Aqoonsaday Cudur

New York June 20,2013(SDN)-Urur ay ku bahoobeen Dhakhaatiirta ayaa maanta war uu soo saaray waxa uu ku shaciyay in Buurida Xad Dhaafka ahi ay tahay xaalad caafimaad oo faro ba’an ku heysa guud ahaan Bulshada reer Galbeedka.

Goaanka ayaa kedis loo arkay bacdamaa guddi ay ururka dhakhaatiirtu u saareen arinkani oo xaalada buurida dersayay ay ku taliyeen in Buurida aan loo aqoonsan Cudur.

Ururku waxa ay sheegeen in hadii Buurida Cudur loo aqoonsado ay ka dhigan tahay in mid ka mida sadexdii ruux ee Mareykan ahi uu xanuunsanayo.

Balse kulan ay xubnaha ururka oo tiradoodu tahay 524 isugu yimaadeen magaalada Chicago ayaa lagu goaamiyay in Buurida Cudur loo aqoonsado.

Si bey yiraahdeen ay Dhakhaatiirta ugu dhiiri geliso in ay Buurida siiyaan fiiro gaar ah oo ay mudan tahay.

Goaankan ayaa sharciyan leheyn wax muhiimada ama culeys ah,balse muujinaya in Buuridu jirka ku keento khatarada Cuduradu keenaan oo kale.

Dood mudo dheer soo jiitameysay ayaase leh,dadka buurbuurani waa dad aan isxakameyn kareyn oo doorbida in ay sidaa u noolaadaan.

Halka dooda dhankeeda kalena ay tibaaxeyso in dadku dhibaatooyin waaweyn kala kulmaan xakameynta culeyskooda,oo ay sanado iyo aduun faro badan ku lumiyaan sidii ay shaxamka isga ridi lahaayeen.

Ruux ka mida sadexdii ruux ee Mareykan ah ayaa Buuridiisu tahay xad dhaaf keena khataro caafimaad xumo iyo culeys dhaqaale oo ku yimaada adeegyada caafimaad ee bulshada.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed