|

Soomaalida Toronto oo ka cawday Hawlgal ciidamada Boolisku fuliyeen Dhawaan

Toronto June20,2013(SDN)-Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa cabasho ka muujiyay hawgal ay dhawaan ciidamada Boolisku ay ka fuliyeen xaafado Soomaalidu ay ku badan tahay.

Boqolaal ka mida ciidamada Booliska ee magaalada Toronto ayaa  Hawlgal ay ka fuliyeen xaafada Dixon oo Soomaalidu ku badan tahay Khamiistii lagu soo qabqabtay hubka noocyadiisa kala duwan iyo 44 ruux.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Lacag tiradeedu tahay $500,000 iyo Maandooriye qiimihiisa lagu qiyaasay ilaa $3 million oo dollar.

“Hawlgalka dabadii Soomaalida waxa looga tegay dareen ah in la weeraray ka dib kolkii hawgalka loo fuliyay si aan taxadar leheyn”sidaa waxa yiri Maha Yusuf oo ah agaasimaha xarunta Mideynta ee Toronto.

“Bulshadu waxa ay ka careysan tahay burubka loo geystay hantida iyo Hadalo meel ka dhac ah oo Boolisku kula hadleen Soomaalida aqaladooda la baaray”ayay maha tiri mar kale.

Fowsiya Ducaale oo ku kortay xaafada Dixon oo ku hadleysay magaca Saciida Xirsi oo 64 jir ah ayaa sheegtay in Haweeneydan ay xili ay tukatay salaad aroornimadii Khamiista ay kadinka ku soo jebiyeen ciidamada.

“Salaada dabadeen anoo is leh iska seexo ayaan maqlay dhawaq iga nixiyay oo i xusuusiyay dhawaqa rasaasta,in yar dabadeedan dhulka ayaa la igu tuuray wejigana waa la igalaaday”ayay tiri hooyo Saciida Xirsi oo dadka la qabqabtay ay ka mid ahaayeen inan ay dhashay.

Booliska ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in dhibaato soo gaadhay dad aan waxba galabsan balse hawgalka laga gaaray ujjeedadii laga lahaa.

Waxa aanu bulshada ka dhex qabanay denbiileyaal khatar ku ahaa amaanka shacabka sida ay bulshada Dixon noo sheegtay ayuu yiri madaxa xiriirka warbaahinta ee booliska Toronto Mark Pugash.

SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed