|

Xukuumada Somalia oo Si adag u Canbaaraysay Falkii lagu Weeraray Dhismaha Hay’ada UNDP ee Muqdisho

Muqdisho 19.June (SDN) Inta la Hubo Shan Iyo Toban Qof ayaa Ku Naf waayay Weerar Maanta ay Xarkada Al Shabaab ka fulisay Dhismaha Hay’ada UNDP ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo afar ka mid ahi ay ahaayeen Shaqaalihii Ajaanibka ahaa ee ka hawl galayay Xaruntaas .

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarkaas, waxaana uu Mudane Saacid sheegay inuu ahaa mid dareen la’aan ah oo xarun ay leedahay hay’ad u adeegta shacabka Soomaaliyeed.

“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee maanta lala beegsaday xarunta UNDP ee Muqdisho. Qaramada Midoobay waa saaxiib aan leennahay oo gargaar aadamnimo siiya shacabkeenna, sidaa daraadeed aniga iyo shacabka Soomaaliyeed waanu ka xunnahay beegsiga xaruntaas,” ayuu ku yidhi Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) warka uu kasoo saaray xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu ku wargelinayo in dhawaan ay ciidammo gaar ah billaayaan howlo lagu sugayo ammaankooda iyo amaanka xarumaha hay’adaha gargaarka.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxay sida ugu dhaqso badan ku billaabayaan howlgallo looga hortagayo qaraxyada iyo weerarrada noocan oo kale ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkaas iyo khasaarihii ka dhashay.

Isagoo sii hadalaya ayuu yiri: “Waxaan ducooyin u diraynaa saaxiibbadeen Qaramada Midoobay, waxaan u sheegayaa in Al-shabaab aysan doonayn in nabadi ay dhacdo, isla markaana aysan joojinayn dhibaatooyinka noocan oo kale ah, balse wax guul ah kuma gaarayaan.”

Dhanka kale, AMISOM ayaa iyaduna warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif uu si adag u cambaareynayo weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay lagu qaaday maanta.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa weerarkaas fulaynida ah ee maanta lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho. Weerarkaas aragagaxiso waa mid ay Al-shabaab ku doonayso inay uga hortagto horumarka socda ee ay kaga baxayso Soomaaliya dhibaatooyinkii ay muddada dheer kusoo jirtay. Innagu waxaan xaqiijinaynaa inaan gacan siinayso shacabka iyo dowladda Somalia,” ayuu Anaadiif ku yidhi warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay inuu u mahadcelinayo ciidamadii ka geystay gacanta in xarunta UNDP laga difaaco Al-shabaab, isagoo tacsi u diray ehellada dadkii naftooda ku waayay weerarkaas.

Geesta kalena Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo Warbaahinta ugu Waramayay Xarunta Qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in toddoba ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas ay ahaayeen xoogagii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, afarta kalena ay ahaayeen ilaaladii xaruntaas, iyado ajaanibta ku dhimatay weerarka la sheegay in saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Koonfur Afrika, mid kalena uu ahaa Kenyan.

“Dadka ku dhintay weerarka waxay tiradoodu ahayd 15-qof, afar ka mid ah waxay ahaayeen ilaaladii xarunta, afar kalena shaqaalihii ajnabiga ahaa ee goobtaas ku sugnaa, toddobada soo hartayna waxay ahaayeen kooxihii Al-shabaab weerarka ka dambeeyay,” .

Wasiirka oo Hadalkiisa Sii wata ayaa Yidhi “Waxaan mahad u celinayaa ciidamadii dowladda ee ku guuleystay inay ugu galaan gudaha xarunta kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday kana sifeeyay, taasoo ah guul u soo hoyatay dowladda,” .

Shaqaalaha ajnabiga ah ee goobta ku dhintay ayuu ku sheegay wasiirku inay ahaayeen kuwo qaabilsanaa dhinaca ammaanka xarunta hay’adda UNPD oo ah goob ay deggen yihiin hay’daha Qaramada ee ka howlgala Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Weerarkan ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Hay’adaha Qaramada Midoobay Sheegeen inay ka hawl galayaan Gudaha Magaalada Muqdisho ee Xarunta  Wadanka Somalia,Sidoo kale Weerarkan qaabka uu u dhacay ayaan Waxbadan kaga duwanayn Kii dhawaan ka dhacay Xarunta Maxkamada  Somalia .

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed