Todoba Ceel Biyood oo laga Hirgaliyay Degmooyinka Gar adag iyo Ceel Afweyn oo la furay
Caynabo 20.June (SDN) Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland C.risaaq Jaamac Nuur ayaa Xadhiga ka jaray Todoba Ceel Biyood oo laga hirgaliyay Degmooyinka Gar adaga iyo Caynabo.
Todobadan Ceel oo ay Hirgalisay Hay’ada Care International ayaa qayb ka ah Mashaariic dhinaca Horumarinta Biyaha ah oo ay ku hawlanayd Wasaarada Macdanta iyo biyuhu.
Todobadan Ceel Biyood ayaa laga hirgaliyay Deegaamada Habari Heshay,Higlo,Balanbaal,Fadhi Gaab,Siin Caro,iyo Ceel Dhaab,Waxaana Ceelashan loo dhamaystiray Dhamaanba adeegyadii ay ku Shaqaynayeen Sida Mishiinada,Bamamka Biyaha iyo adeega ka faa’iidaysiga Cad Ceeda ee Sollar Systam oo loogu talo galay inay ku Shaqeeyaan Mishiinadu .
Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Soma;liland C.risaaq Jaamac Nuur oo si rasmi ah ugala Wareegay Hay’ada Care International Mashaariicdan ay hirgalisay ayuu ku amaanay hawsha baaxada leh ee ay ka fuliyeen deegaamadaasi.
Agaasimuhu waxa uu Maamulka Ceelashan iyo Gacan ku hayntoodaba ku Wareejiyay Gudiyo Bulshada Deegaamadaasi isagoo kula dardaarmay dadweynaha ku dhaqan Jiidaha Ceelashan laga Sameeyay inay ilaashadaan isla markaana daryeelaan.
Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Duqayda Deegaamadaasi ayaa ka waramay faa’iidada ay bulshada ugu fadhiyaan Ceelashani waxaanay uga Mahadceliyeen Wasaarada Macdanta iyo biyaha iyo hay’ada Care oo iska kaashaday hirgalinta Ceelashan.
Sarkaal u hadlay hay’ada Care ayaa Sheegay inay sii wadi doonaan gacanta ay u fidiyaan bulshada Somaliland.
Caynabo SDN.
Qurbejoog.com