|

Xulkii Ciyaaraha ee Gobolka Gebilay oo Deeq lacageed la Gudoonsiiyay {DAAWO}

Gebilay 19.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyi Gelinta Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacad” ayaa Deeq lacageed oo ay Soo direen Qaar ka Mid ah Qurbejooga Gobolkaasi waxa uu Maanta ku Wareejiyay Xulkii Gobolka Gebilay u Metelayay Ciyaarihii Gobolada Somaliland.

Deeqdan oo ay Soo Direen Qaar ka Mid ah Haweenka Qurbejooga ah ee ku dhaqan Wadanka Ingiriiska ayay ku dhiirigelinayeen Xulka Gobolka Gebilay u Matalayay Ciyaarihii Gobolada Somaliland inkastoo oo aanu Nasiibku u Saamixin inay ku Soo baxaan Ciyaarta Gaba Gabada Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Gebilay SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed