Wasiirka Cadaalada oo Furay Kulan lagu Darsayo sidii loo Samayn lahaa Xeer lagu Maamulo Nootaayooyinka
Hargaysa 19.June (SDN) Wasiirka wasaaada cadaaladda JSLand,.Mud,Xuseen Axmed Caydiid,ayaa maanta ka furay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa kulan lagu gorfaynayo sidii loo samayn lahaa xeer lagu maamulo Xafiisyada Nootaa-yooyinka shareecada ee dalka ka jira.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha ururka Qareenada somaliland, saraakiil ka socday wasaarada maaliyadda,Culima’udiin iyo mulkiilayaasha xafiisyada Nootaayooyinka Sharciga ah iyo xeer ilaalinta, hadal uu wasiirku halkaa ka jeediyey, ayaa waxa uu ku sheegay in kulankani ku saabsan yahay sidii xeer lagu maamulo loogu samayn lahaa xafiisyo adeeg bulsho haya oo hore u jiray, kuwaasi oo ah ayuu yidhi wasiirku xafiisyada Ma’duunada sharciga ah ama nootaayooyinka shareecada.
Wasiirka cadaalada Mud,Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu intaa raaciyey in dastuurka JSLand uu jideeyey, dhigayana Maxkamadaha kala duwan ee dalka ka jira, waxaanuu wasiirku xusay in wixii kale ee aan maxkamadahaa dastuurku jideeyey ahayn ee soo kordha ee baahi keento ee laba dhinac waxay isku hayaan ka go’aan gaadhaya, ay lagama maar-maan tahay ayuu yidhi wasiirku inay maxkamadaha dastuurku jideeyey inay xidid ku yeeshaan .
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay sh. Maxamed cabdi Carab boo ka mid ah culimada xafiisyada shareecada, waxaanuu sheegay in xeerkani uu yahay mid xafiis-yadooda u jidayn doona inay yeeshaan fulin, isaga oo xusay inay dhibaato kaga iman jirtay go’aamadooda xagga fulinta.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com