|

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka Warbixiyay Diyaarad Maalintii Shalay laga Celiyay Hawada Somaliland

Hargaysa 19.June (SDN) Wasiirka wasaarada arimaha dibadda JSLand Mud, Maxamed C/llahi Cumar, ayaa maanta   xog-waran  ka bixiyey dayuuradii ay xukuumadda Somaliland ka  celisay  Hawadeeda maalintii shalay , loona diiday inay ku soo degto Garoonka  Dayuuradaha ee Cigaal international airport ee caasimada Hargeysa,ka dib markii ay howl-wadeenada  Wasaarada duulista  ee Hagista  Duulimaadyada dayuuradaha ay u cadaatay in Dayuuradaasi ay Ruqsad ka soo qaadatay muqdisho.

Wasiirka arimaha dibada  Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar, waxa uu sheegay, in  dayuuradaas oo duulimaadkeeda ka soo bilowday   magaalada Jabuuti, ay  Ruqsad  uga soo qaadatay hawada Somaliland magaalada muqdisho ee dalka somalia, taas oo uu sheegay in ay baal mar-santahay  go’aankii  ay somaaliland  dhawaan soo saartay ee la xidhiidhay maamuulista hawadeeda.

Waxaanuu wasiirku intaa ku daray,in dayuuradaasi lagu war-geliyey inaanay Garoomada dalka ku soo degi Karin.   , sidaasina ay dib ugu noqotay,  waxaanuu xusay inay tahay markii ugu horaysay ee dayuurad dal kale leeyahay ama ay shirkadi leedahay ee ku xad-gudubta Go’aankii Jamhuriyadda Somaliland ee hawada.

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay, in dayuuradani ay ahayd dayuurad  Rakaab siday, ruqsadna aan ka haysan somaaliland, wax gar-gaar ah oo ay sidayna  aanu  jirin,sidaas darted  iyada oo laga jawaabayo Madaxbanaanida dalka, dayuuradan oo  ku soo  xad gudubtay hawada dalka   dib loo  l celiyey .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed