Mid kamid ah Lixda Madaxweyne ee Jubbooyinka Ayaa Nabad Ugu Baaqay Dhinacyadii Ku Dagaallamay Kismaayo
Muqdisho 11 June (SDN) Cabdi Xuseen Baaley oo sheegay in ay dadka jubooyinka u doorteen Madaxwayninimada Juba Valley State ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaaladii dhiiga ay ku daateen oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Kismaayo.
Baaley oo la hadalayay warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin cid cid kale xoog ku maquunin karta, xalka jubooyinkana uu ku jira in talada loo daayo dadka ka soo jeeda jubooyinka iyo cidii ay doortaan, isagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya in wax ay ka qabato dhibaatooyinka ka jira deegaanada jubooyinka .
Cabdi Xuseen Baalley ayaa sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyay shirka arimaha jubooyinka looga arinsanayo oo ay ku baaqaday dowladda Soomaaliya kaasi oo lagu wado in uu dhowaan ka dhaco magaalada Moqdisho.
Mr. Baalley ayaa cadeeyay in uu diyaar u yahay garabkiisa in uu shirkaasi ka qayb galo, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya dowlad ay leeyihiin dhamaan shacabka Soomaliyeed ayna dhex dhexaadna ka noqon karto khilaaf kasta oo kadhaca Soomaalida dhaxdeeda sidaa awgeed arrimaha Jubbooyinka looga dambeeyo Dowladda Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in uu Cabdi Xuseen Baaley oo ka soo jeeda mid kamid ah beelaha daga gobollada Jubooyinka uu qayb ka yahay ilaa iyo lix madaxwayne oo sheegtay in ay ka taliyaan gobollada Jubbooyinka. Muqdisho (SDN)
Qurbejoog.com