|

Wasiirka Ciyaaraha iyo Gudida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada oo ku heshiiyay in la soo daayo Xulkii Gobolka Togdheer

Hargaysa 11.June (SDN) Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta warbixin ka siiyay  Gudida Arimaha Bulshada  ee Golaha  wakiilada   tartanka Ciyaaraha Gobolada  ee ka Socda CaasimadaHargaysa.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu  waxa uu sheegay in tartanka ciyaaraha ee Gobolada  dalka  looga gol leeyahay sidii  is dhex galka  dhalinyarada si lo abuuro  bulsho ka fayow waxyaabaha aafeeya horumarka dhalinyarada.

Wasiirka oo gudida  wax ka waydiisay arinta xulka gobolka togdheer oo tartanka laga reebay kuna jira xabsiga waxa uu sheegay in arinta xulka gobolka togdheer ay tahay mid ceeb ku ah Gobolka iyo Qarankaba , xadhigooduna la xidhiidho amnigooda.

Wasiirka iyo gudida Arimaha bushada ee Golaha wakiiladu waxa ay kullankaas iskula qaateen in si dhakhso ah loo sii daayo ciyaartoyga gobolka Togdheer ee xidhan isla markaana ay si wada jir ah  u galaan xalka gaadhista arintaas wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Gudida Arimaha bulshada ee Golaha Wakiiladu.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed