|

Dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo oo Xabad Joojinku heshiiyay iyo Xaalada oo Nabad kusoo laabatay

Muqdisho 11 June, 2013 (SDN) Kadib Dagaal qasaaro xoogan gaystay oo ka dhacay Kismaayo ayaa xaalada waxaa ay xiligan tahay mid degan oo aysan jirin cid is-horfadhisa.

Hadaba Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in odayaasha iyo waxgaradka ay ku guuleysteen in xabad joojin rasmi kala dhex dhigeen dhinacyadii ku dagaalamay magaalada, iyadoo ay socdaan dadaalo la doonayo in maleeshiyaadka is hor fadhiya lagu kala qaado.

Sida ay sheegayaan wararka kulamo shalay odayaasha la yeesheen labada dhinac ayaa waxay isku afgarteen in labada dhinac ay sameeyeen xabad joojin, inkastoo aanay suura gelin la la isu keeno, hase ahaatee odayaasha labada dhinac ayaa u kala dab qaadaya hadba waxa ay tabanayaan.

Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah Madaxweyanayaasha Jubaland, ayaa sheegay in dhiniciisa uu soo dhoweeynayo nabadeynta laga wado, isagoo tilmaamay inuu aqbalay heshiiska xabad joojinta ee loo soo bandhigay.

“Anaga dadkii deegaanka aheyn oo nimanka manaxayaasha ee Raaskambooni dagaalada iyo madaaficida ku soo garaaceen, waana iska caabinay, dhankeena waa aqbalnay nabada”ayuu yiri.

Sidoo kale C/naasir Seeraar oo ka mid ah saraakiisha Raaskambooni ayaa sheegay in dagaalka dhamaaday, isla markaana magaalada ay nabad noqon donto, inkastoo aanu si waadix uga hadlin dadaalada odayaasha wadaan.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay wadan kormeerka xabad joojinta, waxaana ciidamadooda ay gaaf wareegayaan bartamaha magaalada iyo meelihii lagu dagaalamay, waxaana xaalada magaalada ay u muuqataa mid degenaan qabsatay.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed