|

Xukuumada Siilaanyo oo Noqotey Xukuumad Hadh-Dacaar ah oo ay hadhsadaan-Shaqsiyaad Koobani

Xogta iyo Xaqiiqda Maanta Somaliland ka jirta!!!

Xukuumada  Siilaanyo may-noqon Xukuumad ay Mahadiyaan Shacabkii reer Somaliland ee Codkooda ku soo doortey, May noqon xukuumad ku dhisan Cadaalad  Sinaan,Xaq-soor iyo Haykal Dawladnimo, May noqon xukuumad run sheeg ah oo isku xidha Beelaha walaalaha ah ee wada dega S/Land, May noqon Xukuumada leh Qorshayaal cad-cad oo Qaran oo isku xidha Wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada  ee shaqadu ka dhaxeyso.

Somaalidu waxay ku-maah-maahdaa, Mayd Maxaa u-danbeeyey iyo Kaa-La sii Sido!, sida laga wada dheregsan-yahay iyada oo Xukuumada shaqsiyaad badan oo ka mid ahi ay ku-caan baxeen Doogsin-carar , doog-dhabasho  iyo Dal-qada uun-waxay dhigaan ayaa markii la-ogaadey in-waxoogaa  Deeq ah laga helay Deeq-bixiya-yaasha Somaliland ka caawiya Dayactirka Wadooyinka ayaa Qaybtii Dayactirka Wadooyinka laga saarey Wasaarada Hawlaha Guud. si loo lunsado Deeqdaa Yar ee la helay.

Waxaa Xukuumadu Caadeysatey in ay unit kasta oo Dawlada ah oo ay Deeq-bixiye-yaashu ay aduun-ugu-deeqaan ama ha ahaato  unit ka tirsan Wasaarad,Wakaalad, ama Hayadba ay  Xukuumadu ay caadeysatey in ay si-toos ah ama si-dadban ay  Madaxtooyada u-Hoos keento kadibna U-magacowdo Shaqsiyaad Laga hago Xeyn-daabka Madax-tooyada si hantidaa ummadda loo-lunsado oo loo futeeyo oo loo fadhateysto oo loogu naas-nuujiyo shaqsiyaad gaar ah oo Xasabeysan,  Xigaaleysan ama Xidideysan. Waxaa Xukuumada Siilaanyo  Lagu Suntey in ay tahay Xukuumad Hadh-Dacaar-ah oo aan Ummadda u-Xaq-soorin ee dhinac ka raran.

Waxa ay Xukuumadu Jebisey Gebiyadii iyo Sohdimihii Dawladnimo kadib markii ay wasiiradeeda qaar ka mid ahi ay Jebiyeen xadkii iyo xeyndaabkii dadnimo iyo Milgihii Masuulnimo una Badheedheen Xatooyo badheedh ah oo lagu fushanaayo Dano-shaqsiyeed gaar ah iyo Dano-Kooxeed wadar ah oo Somaliland ugub ku-ah.

Arintan Boobka ahi waxa ay wadanka u-keentey Dib-udhac iyo Horumarkii wadanka oo indhaha laga ridey.Waxaa Xukuumada looga fadhiyey in ay abaabusho oo abuurto ilo-dhaqaale si loo kordhiyo dhakhliga wadanka dhalinyarada Tahriibta ku-dhamaateyna shaqo loogu abuuro , Laa kiin nasiib-daro taasi may-dhicin.

Ee waxay Xukuumadii noqotey Xukuumad Musuq ah oo aan laheyn Dadaal badan iyo Dig-tooni badan oo lagu dugsado, waxaana ay dhawaan Xukuumadu ku-Guuleysatey oo ay  Masaxdey Dhamaan Hormoodkii Mucaaradka Somaliland Hadii uu ka mid ahaa  Xisbi, Baarlamaan iyo Guurtiba iyada oo ay Xukuumadu isticmaaleysa oo ku tagri faleysa mar-kasta Cashuurtii yareyd ee laga soo ururiyey danyarta iyo hooyooyinka Fadhiya Sariibadaha aan dedneyn ee bacadka ah ee Suuqyada Somaliland. Xukuumada Siilaanyo  waxay ku fashilantey in ay shacabka S/land ay ka dhigto hal qoys oo wax-walba wadaaga sida Mansabka ,Degaanka, Darajada iyo shaqadaba.

Qodobka 8aad , farqiisa koowaad ee Dastuurka S/land wuxuu cadeynayaa in  muwaadiniinta S/land ay u-siman yihiin Manaafacaadka wadanka,  Xuuquuda iyo sharciga wadanka u-yaala,waana in aan  lagu kala saarin ayuu qodobkani leeyahay Qabiil, Degaan, dhalasho, lab iyo dhedig iyo mudnaantaba  ee ay si kastaba iyo mar-kastaba ay shuruucda wadanka u-siman yihiin.

Faraqa labaad ee Qodoka 8aad ee Dastuurka qaranku wuxuu si adag isna u reebayaa isir-raaca , kal sareynta iyo Qaraabokiilka, qabyaalada, Dus-duska iyo Khiyaamada  hada Xukuumadan Qarqisey ee  Biyo dhigtey. Bal-isna eega Wadaagayaal sida ay isna xeerkan ay ugu simbiriiraxatey Xukuumadu waa Xeerka 17aad ee Dhulka Danta Guud oo isna ay si-joogto ah ay ugu tumato oo maalin walba la arkaayo Dhulkii Danta Guud ahaa ee 30% laga soo jarey Muwaadintiintii Beeraha lahaa oo Xubno Hawl-wadeeno ka ah Xukuumada oo Budh-cad-dhuleed ahi ay caadeysteen in ay u-sad-qeeyaan Ganacasato ay isku koox-yihiin.

Hadaba Waxaa Marag-Madoonto ah in ay Xukuumada siilaanyo ay Shuruucdii wadanka u-yaaley oo dhan ay ku-gel-gelimeysatey oo ay ku-dhaba-baceysey oo ay Cayntii iyo Baydiiba wada Goysey. Waxaana xukuumada Siilaanyo  ee hada Sedex-jirsatey  lagu tilmaa-maa Xukuumad ku caan baxdey Qaraabo kiilka iyo Raali gelinta iyo marxabeysiinta Beelo gaar ah  iyo Shaqsiyaad tiro beelay oo ay Madaxda Xukuumada Xasabo , Xidid iyo xigaal  yihiin , Waxaa wax laga yaq-yaq-siyooda ah in 16 shaqsi oo isku qoys , xidid ,  Xigaal iyo  xasabo ahi ay Xukuumadan ka hawl-qalaan,waxaana ummaddu indha-hooda ku-arkeen  in 6 nin oo Bedel ah oo isku beel ah in mar-qudha lagu soo wada qorey hayad yar oo ishu qabaneyso oo shaqaalaheedu kooban yahay sida Haamaha Keydka Batroolka ee Berbera.

Waxaa iyana Ishu Qabatey in 3dii Sano ee Xukuumadan Hadh-dacaarka ahi ay Hogaanka ummadda u-haysey in Dhiilaha Awrka u-saarani uu Dhinac uun ka-sii-rarmaayo oo hada la-sugaayo uun in uu -Awrkeedu  dido oo uu Dhiilaha ku-dhaba-baceeyo oo uu waxa uu sidoba Daadiyo. halkaasna ay ku bur-buraan Tacabkii ay Ummadda Somaliland ku-soo Tac-bayeen 22 ka Sanadood ee la soo dhaafey.

-Xukuumada Siilanyo waxay si Badheedha u- kala Goysey Sunihii isu hayey Wadar-nimadii, Walaalnimadii, Wax-wada-lahaanshihii iyo Wadaagii Danta Guud ee ka dhexeeyey Beelaha Walalaha ee Wada Dega Degaanada Somaliland. Waxaana ay siisey Beelihii Darafyada Cad-Quudheed, Taas  oo ay ku  Shaa-shoobeen  Beelihii-Darafyadu oo ay Colaad Xuduudaha Dabada Geliyeen. Xukuumada Siilaanyo waxay isku xeertay Deris-ku-nool Qabyaalad la sibiq-dhaqaayey taas oo ay halhii ay ummadda u-Hor-seedi  lahaayeen wax-qabad, Higsi iyo Himilooyin Qorsheysan ay Afarey(Gabey)  iyo Goolaftan Xajiimeysan ah ay ummadda la hor-yimaadaan amaba aad arkeyso iyaga oo mar-marna kala socda mar-marna  isla faqaaya oo dhegaha is-haysta.

Guntii iyo Geba-Gebadii: Waxaa marag-ma-doonta ah in aaney Xukuumadan Siilaanyo Waaxda Fulinteedu aaney maanta u-feydneyn una tafa-xeydneyn sidii ay ummadda ugu shaqeyn lahaayeen laakiin ay u-Qaw-dhamaayaan una Qal-dhabayaan una lebisan yihiin  sidii inta yar ee dhaqaalaha ah  ay u-beydhsan lahaayeen una fadhateysan lahaayeen una fagan-lahaayee, una futeyn lahaayeen. Taasi Waa arin Subxaan alleh. Subxaan -Allah!- – Subxaan- Allah!

Alleh Ayaa Mahada Leh,

Wa-laahum-Aclam,Wa-Billahi-Tawfiiq

A/Rahman Fidhinle

Intensive ED PA

United Kingdom.

Comments are closed