Xildhibaan ka Tirsan Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa oo ku baaqay in laga qayb galo Buundo loo samaynayo Dooxa Dacar budhuq
Hargaysa 11.June (SDN) Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax isla markaana ay Wehelinayeen Lix Xildhibaan ayaa Kormeer hawleed ku Soo Maray Deegaanada Waqooyiga ee Caasimada.
Mudane Maxamed Aw Aadan Wayrax oo u Waramayay Shabakada Qurbejoog.com ayaa ujeedada Socdaalkooda ku Sheegay inay u kuurgalayeen Xaalada Guud ee Nabadgalyo iyo Nololeed ee Jiida ay Soo Mareen.
Gudoomiyuhu waxa uu Sheegay inay Kulamo la soo Yeesheen dadka ku nool Deegaanada Waqooyiga Caasimada isla markaana ay ka dhagaysteen baahiyaha ay tirsanayaan waxaanu xusay inay balan qaadeen in maamul ahaan wixii awoodooda ah ay wax kala qaban doonaan .
Xildhibaan Maxamed Aw Aadan waxaa kale oo uu tilmaamay inay soo kormeereen dhismaha Wadada Dawga cad oo lagu gudo jiro Samaynteeda isagoo amaan u soo jeediyay Cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgalinta iyo samaynta Wadadan waxaanu intaas ku daray inay Soo mareen oo kale Deegaanada Laas geel iyo Daarasalaam.
Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa waxa uu baaq u diray Xukuumada,Ganacsatada iyo Qurbo jooga Somaliland oo uu ku booriyay inay ka qayb qaataan dhismaha buundo loo samaynayo Dooxa Dacar budhuq oo gaysta Xiliyada roobabku da’ayaan Khasaare naf iyo Maalba leh.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com