|

Shirkad Wadani ah oo Gaadhi Dab Damis ah ugu Deeqday Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Berbera {DAAWO}

Berbera 10.June (SDN) Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliland ayaa Maanta ka qaygalay munaasiba balaadhan oo  loo qabtay deeq gaadhi dab damis oo shirkada Haas ugu deeqday Kaydka Haamaha shiidaalka berbera.

Gaadhigan Dab damiska ah ayaa Mas’uuliyiintii Madashii lagu kala wareegayay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Kalluumaysiga Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire,Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor ay ka Sheegeen inuu dabooli doono baahi Jirtay,Maadaama Haamaha Kaydka Shiidaalku ay Yihiin Meel Xasaasi ah oo hadii uu dab ka dhasho keeni kara Khasaare Xoogan oo Saameeya Mujtamaca Somaliland oo dhan.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed