|

Shir Sadex biloodle ah oo ay isugu Yimaadeen Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’adaha ay Wada Shaqayntu ka Dhaxayso

Hargaysa 10.June (SDN) Kulan ay saddexdii biloodba mar isugu yimaadaan wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha  shaqo wadaagta ay leeyihiin ayaa maanta lagu qabtay  Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka  Cabdi axmed Nuur oo kulan howleedkan furay  ayaa   tilmaamay in kulankani  yahay mid muhiim ah,oo dulucdiisu tahay sidii  loo samayn lahaa dood wadaag iyo in la wada falan qeeyo arimaha  caafimaadka .

Agaasimaha Guud waxa kale oo uu sheegay in kulankani uu ku soo  beeg-may waqti ay wasaarada caafimaadka  iyo hay’adaha la shaqeeyaa ay wada jir ugu howl-galeen  qorshe is-tiraatiijiya oo shan sanadood ah oo  hadda la bilaabay guda galkiisa.

Waxa kale oo agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku Mud, Axmed Cabdi Nuur tilmaamay in la  meelmariyay  siyaasadda  Caafimaadka Qaranka   dibna loo dhaqaajiyay  Xeerka mihnad-layaasha caafimaadka,.

Waxa kale oo uu Agaasimaha Guud   sheegay ,in kulankani uu  fursad muhiim ah u yahay isla jaan qaadka hawlaha caafimaadka  Guud  ahaan.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay Madaxa hay’adda caafimaadka  aduunka  WHO Marwo Aasiya Cismaan Axmed  waxaanay ka qayb galayaasha u soo jeedisay in mudada labada maalmood ah ee kulanku socdo ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan macluumaadka ay qaadanayaan, isla markaasina kulankoodan ay ka soo saaraan macluumaad wax tari kara  istiraatijiyadda caafimaadka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed