Meeliishaad weeraray Xarunta Nato ee dalka Afgaanistan
Kabul June 10,2013(SDN)-Xarunta ciidan ee NATO ay ku leedahay magaalada Kabul ayaa waxa weerar ku qaaday meliishaad aad hubeysan.
Sida ay sheegeen ciidamada amaanka ee dalka Afgaanistaan waxa la maqlayay qaraxyo taxane ah iyo rasaas culculus oo ka dheceysa xarunta NATO ee Afgaanistaan.
Xarunta ciidamada NATO ee dalka Afgaanistaan ayaa ku taal xero ku naban gegida duyuuradaha ee magaalada Kabul.
Ma cada ilaa iyo hada khasaaraha ka dhashay weerarkan lagu qaaday xarunta NATO ee Kaabul.
Sidoo kale waxa ilaa iyo haatan aan ka haal weerarkan lagu qaaday xaruntooda isbaheysiga reer galbeedka ee NATO.
SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com