Hadhimo Sharafeed lagu Maamuusayo Xulka Daad Madheedh
Hargaysa 09.June (SDN) Xildhibaano ka Tirsan Golayaasha Qaranka ayaa ka qayb galay Munaasibad qada sharaf ah oo maanta loo sameeyay Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Daadmadheedh Taas oo lagu qabtay Hotel Golis ee Magaalada Hargaysa .
Munaasibadaas waxaa Goob joog ka ahaa Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo ,xildhibaan Xaaji Saliim Cali Ducaale oo kamid ah golaha guurtida islamarkaana isagu ciyaartooda ku maamusaay qado sharaftan badhasaabka gobolka daadmadheedh ,isuduwaha wasaarada ciyaaraha ee gobolka daadmadheedh iyo waliba xubno qurba joog ah oo ka soo jeeda gobolkaas.
Ugu horayntiina waxa munaasibadan hadhima sharafeeda ah ka hadlay Agaasimihii hore ee Xisbiga Udub haatan kamid ah masuuliyiinta Xisbiga Waddani Canbe Aadan Maxamed islamarkaana ku dheeraaday siday muhiib utahay in la dardar galiyo Ciyaartoyda isagoo Sarkaalkani qiray waxqabadyada iyo tayaynta ay Xukuumada haadan talada haysaa la garab taagantahay Dhalinyarada.
Saado Faarax Bulbul oo ku hadlaysay afka qorbajoogta kasoo jeeda Gobolka daadmadheedh ayaa iyaduna uga mahad celisay hadhimo sharafeedkaas uu xildhibaan xaaji saliim ku dhiirigalinayo ciyaartaoda.
Isuduwaha ciyaaraha ee gobolka daadmadheedh Khaalid Axmed Xaaji iyo Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh Jamaal Xuseen Hure oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ciyaartoyda ku hanbalyeeyay guulihii ay gaadheen Tartanka Ciyaaraha islamarkaana ku dhiiri galiyay inay dedaalka halkaasi kasii wadaan.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji Waabeeyo oo soo gunaanaday munaasibadan ayaa ku booriyay Xulka Daad Madheedh inay Tusaale Wanaagsan oo ku dayasho leh u Yihiin Tartanka Ciyaaraha isla markaana Mudadii uu Socday ay la Yimaadeen dadaal iyo Akhlaaq Wanaag isagoo intaas ku daray inay Taageero buuxda la Garab joogaan Xulka Gobolka Daad Madheedh.
Ugu danbayntiina waxay ciyaartoyda tababar ay ugu diyaar garoobayaan ciyaarta dhaw ee ay la yeen doonaan xuka gobolka badhan ku galeen garoonka xaafada Maxamed Mooge tababrkaasi oo uu goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka daadmadheedh .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com