Dawlada Hoose ee Hargeysa oo Cashaysiisay Ciyaartoyga Kubeddaha Gacanta, Cagta iyo Orordka ee Maroodi-jeex
Hargeysa June 09,2013(SDN/Hubaal)- Saddex ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa oo kala ah xil. Ismaaciil Jaamac xirsi (cagoyare), xil. Maxamed Axmed Yoon, Xil. Cismaan Xasan Faarax, ayaa habeenkii xalay casho sharaf u sameeyey ciyaaryahannada kala duwan ee Gobolka Mareedi-jeex uga qaybgelaya tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.
Munaasibadda casho sharafta oo lagu qabtay Fish & Steak ee Magaalada Hargeysa, ayaa ujeeddadeedu ahayd sidii ciyaartoyda Kubedda gacanta (Koleyga), Cagta iyo kuwa Oroddada ee Gobolka M/Jeex u ciyaaraysa loogaga mahad celin lahaa Guulaha wax ku oolka ah ee ay ilaa iyo hadda ka soo hooyeen tartanka ciyaaraha ee Garoonka Hargeisa Stadium ka socda, waxaana ugu horrayn halkaas ka hadlay Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Caga-yare) oo ka mid ahaa xildhibaannada Hargeysa ee Casuumay Kooxahan, waxaanu ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in la dhiirrigeliyo kooxaha ku ciyaaraya magaca Gobolka M/Jeex, kuwaas oo u baahan in niyadda loo dhiso, “Waa muhiim in dhiirrigelin la siiyo kooxaha kala duwan ee ku ciyaaraya magaca Gobolka M/jeex oo wacdaro ka dhigay tartanka, waxana loo baahan yahay qurbo joogga Gobolkani inay gacan buuxda Siiyaan ciyaaryahanadooda natiijada fiican keenay”.
Waxa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay Cismaan Xasan Faarax (Waxar) oo mid ahaa Xildhibaannada Cashada u sameeyey ciyaartoyda, waxaanu tilmaamay inay kooxaha kala duwan ee ku ciyaaraya magaca caasimadda Hargeysi ay u qalmaan in la hambalyeeyo.
Cismaan-Waxar oo Yaraantiisii ka mid ahaan jiray Ciyaartoydii Gobolka Hargeysa Guulaha uga soo hooyey Ciyaarihii Kubedda Cagta ee Gobolladii La isku odhan jiray Soomaaliya loo qaban jiray, waxa uu sheegay in Magaca Hargeysi taariikh ku lahaa Tartammada Ciyaaraha, “Dhammaanba kooxaha ku ciyaaraya magaca caasimaddu waxa ay muujiyeen horumar weyn, magacna waxa ay u soo jiideen Gobolkan, sidaa darteed waa in qaybaha kala duwan ee xukuumadda kaga jira Gobalkani ay keenaan wax la taaban karo oo taageero u noqonaya kooxaha gobolka, si innamadu u helaan niyad wanaag ay dedaalkooda ku sii dheerayn karaan”. Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waxar.
Waxa kale oo isna Madasha Ka Hadlay Xil. Maxamed Cabdi Yoon oo ka mid ahaa Xildhibaannada Casuumay Kooxahan. Xil. Maxamed Cabdi Yoon Oo Kamid Ah Mudanayaasha ugu Da’da yar Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysi waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in kooxda Gobolka M/jeex ay magacii Gobolka kor ugu qaadday, sidaa darteedna ay xaq u leeyihiin in lagu garab galo guulaha iyo wanaaga ay soo jiideen.
Maaha markii ugu horraysay ee Ciyaaryahanada Gobolkan loo sameeyo munaasibado lagu dhiirri gelinayo, waxana ay tani qayb ka tahay dedaalka ay xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadu ugu jiraan inay wixii karaankooda ah la garab galaan ciyaartoydooda oo aanay waxba ka hagran, tanina waxa ay noqonaysaa arrin taariikhi ah oo aan la ilaawi doonin.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com