|

Pakistan oo Mareykanka u gudbisay cabasho ka dhan ah Duqeymada ay fuliyaan Duyuuradaha aaney cidi wedin

Islamabad June 09,2013(SDN)-Maalmo uun ka dib kolii uu xilka la wareegay Raiisul wasaaraha cusub eedalka Pakistan ayaa waxa uu cabasho u gudbiyay dawlada Mareykanka oo duqeymo dalkaasi mudo ka weday.

Cabashadan u danbeysay ayaa timi ka dib kolkii maalinimadii Jimcaha ay ciidamada Mareykanku duqeyn ku dileen todobo ruux oo ay sheegeen in ay ahaayeen Meliishaad Taliban ka tirsan.

Duqeynta ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib kolkii Raiisul Wasaare Newaz Sharif loo dhaariyay  xilka iyo maalinimadii ay xilalka la wareegeen gollihiisa wasiirada.

Mr Sharif oo doonaya in xukuumadiisu ay wadahadalo u furto meliishaadka Taliban ayaa qaba in weerarada Mareykanka ay caqabad ku yihiin nabada isla markaana ay xadgudub ku yihiin madax banaanida dalkiisa.

Xisbiga Muslim League ee uu hogaamiyo Mr Sharif ayaa heysta aqlibiyad buuxda oo u saamexeysa in uu hirgeliyo isbedelo baaxad leh oo dalkaasi u baahan yahay.

Mr Shariif ayaa Islamabad ugu yeeray Ergey sare oo Mareykan ah si uu u ga jawaabo sababaha Mareykanku weeraradan u qaadayaan iygoon ogolaasho ka heysan Pakistan.

Dawlada Mareykanka ayaan ilaa iyo haatan ka soo jawaabin dalabkan ka soo yeeray dawlada Pakistan.

SDN-Islamabad
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed