Cali S. Raygal: Wasiir Dhiirranaanta Kaga Daray Indho-adayg iyo Dar-jiidh
Hargeysa June 09,2013(SDN/Hubaal) – Xulka Gobolka Tog-dheer ayaa la sheegay inay shalay duhurnimadii weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, xilligaas oo uu ku sugnaa wasiirku. Ciyaartoydan ayaa la tibaaxay inay ku hubaysnaayeen Budhadh, iyo Mindiyo, iyagoo Markii ay soo gaadheen Xarunta wasaaradda xoog ku galey gudaha, balse waxa markiiba meesha soo gaadhay ciidanka loo yaqaan RRU-da Kuwaasi oo dhammaan Ciyaatooyagii gacanta ku dhigay kadibna xabsiga dhigay. Xulka Gobolka Tog-dheer ayaa Hore wax uga badiyey Xulka Gobolka Gabiley iyada oo maanta Ciyaar la laahanlahayeen Xulka Gobolka Sool basle markii ay ka qaybgali wayeen ayaa Gool ku laag loo sameyey.
Xulka Gobolka Tog-dheer ayaa la sheegay in tan iyo maalintii laga badiyey uu u dhexeyey Khilaaf keenay in ay Qabyaaladi dhex gasho oo ay laba beellod u kala qaybsameen, iyadoo horena maalintii uu wasiirku cayimay xilliga ay qabsoomayeen ciyaaruhu dibada uu u soo baxay khilaafkani. Dhinaca kale Wasiirka Dhalinyarda iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in ciyaartoygan loo taxaabay xabsiga, isagoo ku dooday in khilaaf soo kala dhexgalay iyaga, hase yeeshee aanu ka hadal weerarka ay ku soo qaadeen isaga.
Gobolka Togdheer ayaa shalay la ciyaari lahaa gobolka Sool, haseyeeshee markii ay ka baaqdeen ciyaartaasi ayaa gobolka Sool ku laatay goolka Togdheer oo maqan sidaana lagu siiyey dhibcihii.
Ciyaartoyda oo Saldhiga Gawda Iskaga Dhex Saaray
Ciyaartoydii Gobolka Togdheer ee saaka xabsiga lagu guray markii ay weerareen wasaaradda isla markaana maalmahanba muran dhexdooda ka taagnaa ayaa xalay abaara sideedii fiidnimo Saldhiga Dhexe oo ay ku xidhnaayeen laba beelood iyagoo u kala safan dagaal culusi dhex maray. Qaylada iyo dagaalka oo in muddo ah saldhiga ka dhex socday ayay dadweynihii Suuqa joogay ku soo xoomeen saldhiga waxaanay Booliisku xidheen jidadka saldhigaasi ku wareegsan oo dhan.
Booliiska ayaa markii dembe u hawl galay sidii ay ciyaartoyda u kala guri lahaayeen, waxaanay ku daad gurayeeyeen baabuurtooda oo qaarba saldhig geeyey si ay u kala fogeeyaan oo aanay mar danbe isku dilin.
Tallaabadan ayaa ah mid aan marka horeba Booliisku ka taxadirin maadaama ay ogaayeen in kooxda gobolka Togdheer ay qaab qabiil isku haysteen oo ay u kala safnaayeen Bariga iyo Galbeedka Burco. Ciyaartoyda Gobolka Togdheer ayaa si toos ah uga hadhay ciyaarihii goboladda kadib markii khilaaf gudahooda ah dartii ay shalay uga baaqsadeen ciyaartii ay la yeelan lahaayeen Gobolka Sool kaasoo dhibcihii cidlo ka qaatay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com