Ujeedadda Wefti Ka Yimi Dalka Yaman Oo Booqashadooda Lala Xidhiidhiyay Xiisada Biyaha Niilka Ee Masar
Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Yeman oo iskugu jiray Ganacsato iyo xubno ka mid xukuumadda dalka Yeman. Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa kulankaa ka dib saxaafadda uga waramay ujeedada wefdiga iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen weftiga Yeman iyo madaxweynaha Somaliland, isagoo yidhi,
“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta (shalay) qasriga madaxtooyadda ku qaabilay nin Ganacsade ah oo weyn, oo la yidhaahdo oo shaayo Cabdul-xaaq oo dalka Yeman u dhashay iyo wefti sare oo ka socda dawladda Yeman iyo Ganacsato kale oo uu Hoggaaminayo, ujeedada weftigaasi ay u socdeen ee ay dalka u yimaadeenna waxay ahayd sidii ay u indho indhayn lahaayeen dalka, iyagoo damacsan inay maal-gelin ku sameeyaan dalka.”
“Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftigan tafaasiil ka siiyay sida loogu soo dhaweynayo dalkan cid kasta oo u timaada wadankan Maal-gelin iyo waxtar.
Waxaanu u sheegay inay ku soo dhawaynayaan Somaliland, waxaanu tilmaamay inay Somaliland abuurayso saaxad ay cid waliba timaado isla markaana ay abuurtay saaxad nabad-gelyo oo lagu ganacsan karo, siyaasadda dawladduna ay tahay mid fur-furan oo cid kasta oo dalkan wax u qabanaysaba ay la macaamili karto,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in weftigan ka socday dalka Yeman ay Madaxweynaha uga mahad celiyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay, wuxuuna xusay inay Madaxweynaha u sheegeen inay u socdaan sidii ay maal-gashi ugu samayn lahaayeen Somaliland oo ay ku tilmaameen dal u qalma in la maal-gashado.
Madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga gudoon siiyay Hadyado la xidhiidha agabka Hidaha iyo dhaqanka Somaliland, halka weftiguna ay Madaxweynaha gudoon siiyeen Hadyado ay ugu tallo galeen. Weftiga ka socday dalka Yeman oo watay diyaarad khaas ah oo kasoo degtay Madaarka Berbera, isla markaana diyaarad oo ay kaga soo wareegeen ku yimi Madaarka Hargeysa, ayaa dhawr saacadood ku koobay booqashadooda, waxayna maanta dib uga dhoofeen Madaarka magaaladda Berbera.
Dhinaca kale in kasta oo xukuumadda Somaliland ku tilmaantay booqashada wefdiga dalka Yaman mid la xidhiidha arrimo ganacsi, isla markaana ay wefdiga oo xukuumadda Somaliland sheegtay inay isugu jiraan xubno Ganacsato ah iyo kuwo ka tirsan xukuumadda Yaman, kuwaas oo aan la shaacin magacyadooda iyo xilalka ay ka hayaan Xukuumadda Madaxweyne Cabdoo Raboo Al-mansoor Haaddi, balse sida ay qortay shebekadda wararka ee Arraweelo.com oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay in ilo dublamaasiyadeed oo dhinaca dalka Yaman ah ay sheegeen in booqashada wefdigaasi ee Somaliland ay la xidhiidho xiisadda ka aloosan Biyaha webiga Blue Nile-ka ee u dhaxaysa dalalka Masar Iyo Ethiopia.
Sida lagu sheegay wararka dhinaca Dublamaasiyada ee la xidhiidha socdaalka wefdiga Yemen, waxa ay ujeedadiisu tahay sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay mawqif cad iska taagto xiisada ka taagan Biyaha Niilka, iyadoo dawlada Masar oo taageero u raadinaysa mawqifkeeda Biya xidheenka Niilka ee Dawlada Ethiopia hawshiisa gacanta ku hayso, ay wefdiga Yemen oo wararka qaar sheegayaan inay weheliyeen xubno dublamaasiyiin u dhashay Masar ay kulan dheer oo Madaxweynaha Somaliland ay la qaateen ugu gudbuyeen farriin dublamaasiyadeed oo ay ka siddeen mawqifka Masar ee Biyaha Niilka, taas oo dawlada Yaman safka hore kaga jirto wadamada Carabta ee garab taagan dawlada Masar, isla markaana ay xulufo uga raadinayan wadamada Geeska Afrika oo Somaliland ka mid tahay.
Xiisaddan biyaha Niilka oo laga cabsi qabo in uu saamayn ku yeesho xasiloonida mandaqada ayaa loo hayn xal dublamaasiyadeed.
Welina ma cadda Mawqifka ay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka taagan tahay muranka arrintaas.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com