Xafladdii Cardif Caawa -Aqoonyahan Jamal Ali Hussein Waa Aftahan- Qudbadiisii
Marka hore shabakadda Caanka ah ee qurbejoog.com waan hanbalyeeynayaa. marka xiga caawa waxaan ka qayb galay xaflad balaadhan caawa oo jaalliyadda reer somaliland ee magaaladda Cardif ku soo dhoweeysay Aqoonyahanka weyn ee Jamaal Cali Xuseen oo ah musharaxa xisbigga qaran ee mucaaridka ah ee UCID.
Runtii xafladdaasi oo aan loo kala hadhin waxaan aad caawa ula yaabay qudbaddii uu Jamaal Cali halkaasi ka jeediyey iyo hibadda aftahanimadda leh ee uu dadka u hantay iyo qudbadda aqoonta iyo waayo aragnimaddu ku dheehan tahay ee uu caaawa halkaasi ka jeediyey. Jamaal oo aan hore suugaan hufan iyo aqoon hore ugu bartay ayaan haddana caawa arkay isagoo hadlaaya.Iyadoo Cardif ahayd goob Kulmiye ayaa haddana aad loogu soo baxay oo uu dadka quluubtoodda hantay. Anigaa ugu horeeya oo aan hore UCID u taageeri jirin. Laakiin waxaan aad ugu faraxsanahay in ay jiraan rag noociisoo kale ah oo karti iyo aqoon ku gaadhay heer caalami ah imikana dar-dar cusub geliyey siyaasadda, iyo dadka la kala dooranayo. Maanta waddanku u baqan maayo hadduu Jamaal Cali Xuseen jaggaddaasi u taagan yahay. Waxaan caawa aad ula yaabay sida ay dadku u xiseeynayeen iyo qudbadda taariikhiga ah ee uu halkaasi ka jeediyey. Dadka aqoontoodda aduunka wax kaga soo dhacsaday uun baynu isku aamini karnaa. Aqoonyahan Jamaaloow halkaasi ka hay, madaxweynaha mustaqbalkoow, Ilaahayna ha ku garab galo.
Ali Abdi
aabdi1960@gmail.com