Dugsiga Sare ee Tomorrow Oo Munaasibad-suugaaneed U Qabtay Arday Hal-abuur Ah
Hargaysa 09Jun13(SDN) Madal-maanseed lagu daadihinay suugaan uu curiyay Hal-abuur Nasri Yuusuf Muxumed oo ka mid ardayda dugsiga sare ee School of Tomorrow ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaas ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb-galay marti-sharaf ay ka mid yihiin Marwo Faadumo Siciid Ibraahin Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga UCID, abwaanno, waalidiin, maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsigaasi.
Ugu horreyn maamulaha dugsiga sare ee School of Tomorrow C/Raxmaan Axmed Xasan (Buraale) ayaa xusay inay xafladdan u qabteen si loo dhiirrigeliyo hal-abuurrada dhallinyarada ah, isaga oo guubaabo u jeediyay ardayda iyo abwaanka soo bandhigay suugaanta cusub. Abwaan Axmed-Yaasiin C/Raxmaan (Dool) oo ku hadlayay magaca bahda hawraarta ayaa hal-abuurka kula dardaarmay inuu suugaanta u adeegsado sida togan, isla markaana uu ka fogaado isku-dirka, qabyaaladda iyo wax kasta oo dhaliil u keeni kara hibadiisa.
Hal-abuur Nasri Yuusuf Muxumed ayaa goobta ku soo bandhigay laba maanso oo uu tiriyay kuwaas oo ay mid ka mid ahi ka hadlaysay dhibaatada ay barbaarta tahriibaysaan u geystaan naftooda iyo waalidka dhalay labadaba, halka maansada labaadna ahayd dardaaran gundhiggiisu yahay in lagu dedaalo dhaqanka soo-jireenka ah ee sawraca iyo summadda u ah bulshadeenna.. Guud ahaanna dadkii madasha ku sugnaa ayaa si weyn ula dhacay suugaanta cusub ee uu ardaygani daah-furay.
Marwo Faadumo Siciid Ibraahin Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga UCID ayaa ardayda u gudbisay dardaaran waalidnimo oo ku saabsan suudalka (tahriibka) iyo dhibkiisa iyada oo ka xog-warrantay qisooyin murugo leh oo ku dhacay tahriibayaal u dalandoolay waddamada qurbeha sidoo kalena bogaadisay dedaalka da’yartu ugu jiraan dhaqanka iyo suugaanta aynu hodanka ku nahay.
Ugu dambayntiina waxa shahaado-maamuusyo kobtaas lagu guddoonsiiyay dad ay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Marwo Faadumo Siciid Ibraahin Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga UCID waxaana kulankaas lagu af-meeray jawi farxadi ka muuqato.
qurbejoog
Hargaysa