Dugsi laga Hirgaliyay Degmada Daarasalaam oo Xadhiga laga Jaray,iyo Baaqa Maamulka Degmadaas
Hargaysa 09.June (SDN) Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam Cabdi Xuseen Cumar ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga uga jaray dhisme Dugsi ka kooban laba fasal iyo Hal Xafiis oo Wasaarada Waxbarashadu ka hirgalisay Degmadaas.
Xaflada Xadhig ka jarista Dugsigaas waxaa ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Axmed Ibraahin Madar,Kormeeraha Waaxda Qorshaynta ee Gobolka Maroodi Jeex u qaabilsan Wasaarada Waxbarashada Maxamed Sh.Cali Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale .
Gudoomiyaha Waxbarashada ee Degmada Daara Salaam Axmed Maxamed Qalinle oo Madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Mudadii uu Xisbiga Kulmiye talada dalka hayay uu wax badan ka qabtay baahiyaha Waxbarashada ee degmada Daarasalaam,isagoo intaas ku daray in qorshaha ay ugu jirto Sidii loo dhisi lahaa sannadkan ilaa Shan Dugsi.
Kormeeraha Waaxda Qorshaynta ee Gobolka Maroodi Jeex u qaabilsan Wasaarada Waxbarashada Maxamed Sh.Cali Cismaan ayaa isna sheegay in looga baahan yahay Maamulka iyo Dadweynaha Degmada Daarasalaam inay ilaashadaan Dugsigan,kaas oo wax weyn ka tari doona baahida waxbarasho ee ubadka ku nool deegaanka Gaws Barwaaqo.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Daarasalaam Axmed Ibraahin Madar ayaa u mahadceliyay Wasaarada Waxbarashada oo hirgalisay dhismaha Dugsigan waxaanu ka codsaday in dugsiga lagu daro qaybaha kale ee ka hadhay.
Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam Cabdi Xuseen Cumar oo Madashaasi ka hadlay ayaa u soo jeediyay Waalidiintu inay Ubadkooda uga faa’iideeyaan dugsigan Waxbarasho isla markaana ay Maamulka iyo Macalimiinta dugsigaasi gacan ku siiyaan adeegyada wax barasho ee dugsigu u baahan yahay, Gudoomiyuhu Waxa uu si gaar ha ugu mahad celiyay Wasiirka Waxbarashada oo uu Sheegay inay Xil Iska saartay hirgalinta Dugsigan,.
Gudoomiyahani waxa uu ugu baaqay Qurbejooga degmada Daarasalaam inay ka shaqeeyaan Horuamarka Degmadooda Isla markaana ay Mashaariic dhanka horumarka ah ka fuliyaan Degmadda.
Dhinaca kale Kormeerka Qorshaynta ee Wasaarada Waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex iyo Maamulka Waxbarashada ee Degmada Daarasalaam ayaa kormeer ku soo maray Dugsiyada Waxbarasho ee Deegaanka Bacado,Gubato,Baliga Cas,Gaboobe,Hore haadlay iyo Daarasaalam iyagoo u kuurgalay Hanaanka Waxbarasho ee Degmadaas.
Cabdilaahi Faarax oo ka mid ah Qurbejooga Somaliland ayaa Sheegay inuu dadaal badan u galay sidii uu deegaankaasi u heli lahaa dugsi ay wax ku bartaan Ubadka deegaankaasi.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Chief Caaqil Caydiid Yuusuf Cabdule oo ka mid ah Madax dhaqameedka Deegaankaasi .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com