Armuu Kordhistaa?; Cumar Seerbiya
Waxay ahayd arooryo hore wali suuqa Hargeysa dad badani uma soo kalahin, waxaanad arkaysa dad kooban oo iyagu si teel-teel ah suuqa u maraaya kuwaasi oo u kala socda dawno maal-meed kala duwan.
Noloshaada maalin kasta waxaad la kulmaysaa mahadho cajiib ah, taasi oo iskugu jirta farxad, murugo layaab iyo ama kaag, hase ahaatee waxaad aad u dareemaysaa markaa u fiirsi iyo daba-gal samaso.
Waxaan ka mid ahaa dadkii koobnaa ee subaxaasi ku soo jarmaaday suuqa Hargeysa , waxaan muddo daqiiqado ah islug ahayn nin markaasi gacanta alaab xoogaa ah ku sita, waxaanu wada galnay goob laga cunteeyo si aanu quraac uga cuno hoteelkaasi.
Dadka leh aqoonta cilmi nafsigu waxay tilmaameen in aanu adduunka jirin qof xumi balse qofkastaaba u baahanyahay in la barto meesha uu u liito iyo waxa uu ku fiicanyahay taasi oo haddii ay dhacdo qofku cidkasta heshiis iyo xidhiidh ka dhaxaynkaro.
Adduunkana wax la beerto waxa la sheegaa in uu bani aadamku ugu fiicanyahay Somaliduna waxay hore u tidhi “Rag Waa meelwalba Jooge “oo ay uga jeedaan in qofku meel uun ku fiicnahay waxa kale oo ay lagu maah-maahaa” Rag (Qof) wax yar tare maahee waxba tare ma leh.”
Aniga iyo ninkii kale ee anuu hoteelka isku marka soo galnay ayaa waxaa naloo kenay Quraac aanu dalbanay , markana la eego dhanka cuntadana dadku way kula duwan yihiin dookh ahaan waxaana ka mid ah meelaha dadka lagau kala saaro dhanka dookha cuntada goobaha casuumadaha iyo cunto wadareedayada oo aad arkayso iyad oo qofka cunto nooc ah uu dhinac iskaga riixayo halka nooc kalena uu soo jiidanaayo .
Cuntadii bilawnay , waqti kooban ka dib ayaanu kuraastii ka kacnay iyada oo labadayadaba uu deg-deg naga muuqdo , waxaanu soo dul-istaagnay ninkii lacagta qabanaayey (Maqal-haye), waxa uu noo sheegay midkaayaba inta lacag ah ee naga la doonaayo , waxa iga horeeyey ninkii kale markii u lacagtii bixiyey ee aan anna jeebkayga gacanta galiyey ayuu i yidhi “ Isug, Isug” waxaan hal mar ku wada nidhi “oo sawdigii lacagta bixiyey “ aniga iyo ninkii Hoteelka haystay waxaanu noo sheegay in uu saaxiibkii uu ka dambeeyey uu doonayo in uu lacagtiisa sii qadimo ninkii hoteelka haystay ayaa ku yidhi “ Oo Armuu Kordhistaa” oo ka waday ma laga yaabaa in lacagtan aad bixisay wax ka badan uu cuno saaxiibkaa.
Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)