Laba Siyaasi oo Isku haya Hogaaminta Xisbiga Kulmiye oo Isku maalin ku soo laabtay dalka {DAAWO}
Berbera 08.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.Casiis Maxamed Samaale ayaa dalka dib ugu Soo laabtay kadib markii uu Soo dhamaystay Socdaal Shaqo oo uu ku joogay Wadanka Ingiriiska.
Wasiir Samaale oo uu Loolan Xoogan oo kala Riixashada Hogaaminta Xisbiga Kulmiye ka dhexeeyo Gudoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi ayaa labadooduba isku maalin ay dalka ku soo laabteen,iyadoo Wasiirka Maaliyadu uu ka soo degay Madaarka Berbera,Halka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyena uu ka soo degay Madaarka Hargaysa waxay labada Siyaasi ka soo laabteen Wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka oo ay ka wadeen olole taageero doon.
Berbera SDN.
Qurbejoog.com