|

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dalka dib ugu soo laabtay Socdaal uu Mudo ugu Maqnaa Maraykanka

Hargaysa 08.June (SDN) Gudoomiyaha xisbiga kulmiye md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Dalka dib ugu soo labtay ka dib  markii uu socdaal  ku soo maray  Dalka maraykanka. Halkaasoo uu jaaliyadda Somaliland kagala qayb galay xuskii munaasabadda 18-ka May ee sanadguurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda.

Gudoomiyaha oo markii uu ka soo degay madaarka caasimadda Hargaysa ay si weyn  ugu soo dhaweeyeen  dadweyne tiro badan oo taageerayaasha Xisbiga  ah ayaa isagoo war fidiyeenada kula hadlay Guriga Nasashada ee gegida diyaaradaha waxa uu sheegay in uu socdaal ku soo maray  qaybo ka mid gobolada dalka Maraykanka,

Md Biixi waxa u sheegay in  mudadii uu marayey dalka maraykanka uu kulamo balaadhan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalkaasi, kuwaasoo uu xog warran ka siiyey marxaladda uu marayo dalku, isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya horumarinta dalka iyo adkaynta qaddiyadda Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey tahriibka dhalinyarada waxa uu ku  booriyay dhalinyarada inay aaminaan dalkooda, una adkaystaan hadba wadciga taagan  iasaga oo tilmaamay in la soo maray  duruufo iyo xilliyo  ka adkaa waqtigan aynu hadda ku jirno, waxaana uu u jeediyay dhalinta u hanqal taagaya dhulka shisheeye in ay qiimo ku leeyihiin dalkooda  kana  waantoobaan inay naftooda mahlako geliyaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com


 

Comments are closed