|

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Konfur Africa:Soomaalidu waxa ay gacan naga siiyeen dagaalkii Midab kala sooca

Johannesburg June 08,2013(SDN)-Dawlada dalka Konfur Africa ayaa markii u horeysay si adag uga hadashay dilalka soo noqnoqda ee lagula kaco Soomaalida ku nool alka Koonfur Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Konfur Africa haweeneyda la yiraahdo Maite Nkoana-Mashabane ayaa markii u horeeysay si adag u eedeeysay falalka wuxushnimada ah ee Soomaalida lagula kaco.

“Waxaanu ereyda ugu adag ku dhaleeceeyeneynaa dilalka iyo werrarada foosha xun ee lagula kacay ganacsadaha Soomaalida ahaa”ayay wasiiradu tiri.

Waxaaney ka hadleysay muqaal Cajalad laga duubay dad si fool xun u dhacay una dilay nin Soomaali ah oo meherad ku heystay magaalada Cape Town.

“Konfur Africa waxa ay ka dhexeysa inta ku wada nool,sidaa awgeed waanu ka xunahay dialalka foosha xun ee soo noqnoqda”ayay tiri Marwo Maite

“Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dalalkii reer Africa ee gacanta naga siiyay halgankii aanu isga tuurnay heeryadii midab takoorka dalkeena”ayay tiri Maite.

Hadalkan ka soo yeeray dawlada Konfur Africa ayaa imanaya ka dib kolkii dawlada Soomaaliya ay ka dalbatay in la sugo amaanka Soomaalida dalkaasi ku nool.

SDN- Johannesburg

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed