|

Banaabax looga soo horjeedo kufsiga iyo amnidarada ka jirta degmada deyniile oo halkaasi ka dhacay

Muqdisho May 28 2013 (SDN)– Banaanbaxa ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa ka hortaga kufsiga iyo dilal la sheegay inay ka dhacaan Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir halkaasi oo haween caruur iyo rag intaba ay isugu soo baxeen oo ay dareenkooda ku muujinayeen.

Shacabka Banaanbaxa dhigaye ayaa waxa ay sheegeen inay maanta ka banaanbaxeen dhibaatooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmaan rag hubaysan oo aan la aqoon rasmi ahaan taliska ay hoostagaan.Guddoomiyaha Degmada Dayniile Xiireey Muxudiin oo shacabka goobta ay ku banaanbaxayeen soo gaaray ayaa halkaasi kula hadlay dadkii banaanbaxa dhigaye isaga oo qiray in falal kufsi ah ay ka dhacaan Degmada Dayniile.

Wuxuu sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay Degmada Dayniile si ay ugA hortagaan falalka dhibaatooyinka ah,waxaana uu sheegay in dadka caynkaasi ah ay yihiin kuwa ku lebisan dareeska ciidanka balse ciidanka aan ka tirsaneyn.

Xiireey Muxudiin ayaa sheegay in afar ruux ay usoo qabteen fal kufsi ah oo habeeno ka hor ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay usheegay in askarigii ka tirsan Dowladda Soomaaliya uu ku cadaado kiis fal kufsi ah la toogan doono.

SDN-Muqdisho

Comments are closed