Bilawgii Labaad ee wadada Cad ee isku Xirta Hargaysa iyo Sallaxley oo la dhagax dhigay Daawo Sawiro
Hargaysa 13May13(SDN) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta dhagax dhigay wadada cad ee isku xirta Hargaysa iyo Sallaxley.Munaasabadan oo aad loo soo agasimay ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka Cafimaadka ,wasiir ku xigeenka warfaafinta, Taliyaha Ilaalada Ciidanka Bada ,Xildhibaan Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi waraabe,iyo marti sharaf kale .
Munasabadan dhagax dhiga ayaa ugu horayn waxa ka hadlay gudoomiyaha gudida beesha Cidagale ahna gudoomiyaha wadada cad Rashiid Maxamed Jaambiir waxana ka bixiyey hawshu halkay marayso isaga oo shegay in ay hawshan ay iska kashadeen qurbejoogta beesha iyo ganacsatada reer somaliland waxanay masuuliyad iska sareen sidii loo dhamays tiri laha ,waxa isna goobta ka hadlay xaaji cabdi xuseen cabdi warabe oo halkaa duco iyo waano ka soo jeediyey, wasiirka madaxtooyada ayaa shegay inay xukuumadu ka goan tahay in ay dhamays tiraan wadada , waxa kale oo goobta ka hadlay wasiirka madaxtooyada oo shegay in Somaliland waxa maanta Laandhere ah Ninkii Dhameeya Wado 70km.
qurbejoog.com
Salaxlley