Isgaarsiintii Magaalada Kismaayo oo hawada laga saaray, Maxay Tahay sababata?
Kismaayo May 13 2013 (SDN)— Wararka ka minaaya Magalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta hawada laga saaray Isaagiintii Magaalada.
Ciidamada Raaskambooni ayaa la sheegay in ay Amar ku siiyeen shirkadaha Isgaarsiin ee ka howlgala Magaaladaasi ay ku amreen in ay jaraan Isgaariisin iyagoo aan wax sabab ah u sheegin.
Dhanka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo gaaray saraakiil ka socota Nabad Sugida dalka Kenya kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaraha ee Magaaladaasi.
Sarkiisha ka socday Nabad Sugida Kenya ee soo gaaray Kismaayo ayaa waxaa hogaaminaya Taliye ku-xigeen ciidanka Nabad Sugida Kenya.
Lama oga sababa ka danbeeyay imaantikooda iyo in ay la xiriirto jaritaanka Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo.
Kismaayo-SDN