Puntland oo Dowlada Somalia uga digtey is qab qabsi siyaasadeed
Garoowe May 13 2013 (SDN)– Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka digtey isqabqabsi siyaasadeed oo ka dhex abuurma DF Somalia ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mida mudanayaasha Barlamanku wadaan mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Saacid.
War saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay inay ka digayaan soo cusboonaysiinta isqabqabsiga siyaasadeed ee Hey’adaha DF Somalia, waxaana la raacshay in Rai’sul Wasaaraha Federaalka xilliga uu magacaaban yahay dhan yahay muddo 7-bilood oo keliya.
”Iskudaygaan ayaa dhuminaya wakhti, dhaqaale, iyo dadaalkii wadajirka ahaa ee Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay geliyeen in la dhiso Hey’daha cusub ee DF, waxaan xilligii Dowladdii Federaalka ee KMG ahayd hareereeyey isqabqabsi siyaasadeed oo curyaamiyey awoodii Dowladdu ay ku fulin lahayd waajibaadkeedii, ayna u gaarsiin lahayd adeegga bulshada muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.
Puntland ayaa talaabada ay qaadeen xildhibaanadan ku sheegtay mid dano gaar ahaaneed oo ku wajagan helida xafiis siyaasadeed ay ka danbeyso ,waxana ay ku baaqdey in hayadaha DF Somalia ay ku mashquulaan hirgelinta howlaha Qaran, sida maaraynta caqabadaha dhaqaale oo dalka gudahiisa ka jira, xal u helida faragelintii lagu sameeyey Dastuurka Federaalka, ka shaqaynta amniga, iyo taageeridda dhisida Maamullada Federaaliga ah ee dhiman.
Dowladda goboleedka Puntland ayaa 15 sanno jirsanaya goor dhow ,waxana uu qayb ka yahay DF Somalia isagoona horey uga soo qayb qaatay dadaaladii dalka looga saarayey KMG-nimada iyo martigelinta shirar badan oo Somali iskugu timid.
DHAMAAD
SDN-Garoowed