|

Kooxo hubeysan oo Sarkaal Booliiska Kenya ka tirsanaa ku dilay Magaalada Mandheera

Mandhera May 13 2013 (SDN)— Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Kenya ayaa la dilay 4-kalana waa la dhaawacay kaddib markii ay koox hubeysan weerartay saldhig booliis oo ku yaalla Magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Taliyaha Ciidanka booliska gobolka Charlton Mureithi ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaasi uu geeriyooday 4-kalana ay dhawacmeen, waxaana uu intaasi ku daray in kooxo Argagixiso ay weerakaasi soo qaadeen.

Sarkaal magaciisa diiday oo isaga oo Madhera ku sugan hadlayay ayaa waxa uu sheegay in kooxaha hubeysan ay saldhiga soo weerareen si aan kala sooc laheyna ay raasaas ugu fureen booliiskii halkaasi ku sugnaa.

Majirto koox sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi laakiin degaanada u dhaw xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya waxaa weeraro ka geysanayay Al Shabaab oo ka soo horjeeda Ciidamada Kenya ay ku sugan Soomaaliya.

SDN-Mandheera

Comments are closed