|

Maamulka Punland oo diiday in hub sharci daro ah lagu dhex wato Magaalada Garoowe

Garoowe May 13 2013 (SDN)— Saraakiisha ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ayaa soo saaray Awaamir ku aadan Amaanka iyo nabada galyada caasimada maamulkaasi.

 C/raxmaan Abshir Faarax, Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Nugaal ayaa sheegay in hub aan lagu dhexwadan karin gudaha Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, waxaana uu Amar ku siiyay Ciidamada maamulkasi in ay soo qabtaan qofkii ay arkaan isaga oo hub sita.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay bilaabayaan howlgallo ay ku soo qab qabanayaa dadka aan ciidamada maamulkaasi aheyn ee hubka ku dhexsita gudaha Magaalada Garoowe, isagoo xusay in hay’addaha gaarka hubka u heysta loo diiwaangalin doono.

“Amaanka waa muhiim, waxaana shaacinayaa in Magaalada Garoowe dhexdeeda aan hub lagu wadan karin, cidii iyada oo hub ku dhexwato lagu arko waxaa waa la soo qabanaa, hay’addaha gargaarka ee hubka isku waardiyeeya waa loo sharciyaynayaa iyagana”. Sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Abshir Faarax, Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Nugaal.

Ciidamada Maamulka Punland ayaa shalay howlgallo balaraan ka sameeyay xaafadaha Garoowe waxaan lagu soo qabqabta dad lala xiriirinayo in ay la shaqeyaan dadka falalka dilka ah ka geysta deegaanada Puntland.

SDN-Garoowe

Comments are closed