|

Hogaamiyaal badan oo u hanbalyeeyay Nawaz Sharif oo ku guuleystay doorasha Pakistan

Islamabad May 13 2013 (SDN)— Hogaamiyaal badan oo caalamka ah ayaa u hanbalyeeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Nawaz Sharif oo xisbigiisu uu ku guuleystay doorashadii Barlamaaniga aheyd ee ka dhacday dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha dalka India Manmohan Singh ayaa u hanbalyeeyay xisbiga Muslim League ee uu hogaamiyo Nawaz Sharif waxaana u sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono dowladda cusub ee dalka Pakistan.

Sidoo kale Madaxweynahayaasha dalalka Afghanistan iyo Maraykanka Hamid Karzai iyo Barack Obama ayaa u hanbalyeeyay Nawaz Sharif , waxana ay hoosta ka xariiqeen in ay la shaqeyn doonaan Maamulkiisa cusub ee uu soo dhisi doono.

Nawaz Sharif oo 63-sano jir ah ayaa horay dalkaasi Ra’iisul wasaare uga soo noqday waxaan uu doonayaa in markii sadaxaad uu hogaamiya dalka Pakistan ee dhibaatooyinka ay ka jiraan.

Xidigii hore ee Kirikitka Imran Khan oo hogaamiya dhaqdhaqaaqa Cadaalada ayaa sheegayshay in uu ka soo horjeesan doono dowladda uu soo dhisi doono Mr Sharif waxana uu sheegay in ay jireen wax isdaba marin lagu sameeyay doorashada.

SDN-Islamabad 

Comments are closed