|

Hormadii Kowaad ee fanaaniin Qurbo joog ah oo dalka u yimid ka qayb galka xuska 18 May {DAAWO}

Berbera 12.May (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa Goor Gaaban oo  galabta waxa uu Madaarka Magaalada Berbera ku  soo dhaweeyay Koox fanaaniin u dhashay Somaliland oo ka Yimid Qaarada Yurub,Gaar ahaan Dalka Ingiriiska isla markaana u Socda sidii ay Shacabka ugala qayb galaan Xuska Qaran ee 18-ka May.

Fanaaniintan ayaa kala ah Nimco Yaasiin,Abwaan iyo Weriye Cali Seenyo iyo Nuur Daalacay Waxaanay Sheegeen inay Wadaan Heeso Cusub oo ay ku Waynaynayaan Xuska 22 Guurada ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland waana Hormadii kowaad ee Fanaaniin ka qayb galaya Dabaal Dega 18 May.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed