Golaha Guurtida oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhigooda iyo Qodobo ay Mudnaanta Siiyeen {DHAGAYSO}
Hargaysa 12.May (SDN) Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa Fadhigoodii Maanta oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Jamhuuriyada Somaliland Waxay Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Ajandaha Kalfadhigooda 50aad ,Kadib Markii ay Dood Ka yeesheen Maalmihii la soo dhaafay.
Ajandahan oo uu Shir Gudoonku Kaabis iyo Wax ka Bedel ku sameeyay ayaa waxa uu Mudnaanta saaraya Qodobo ay ka Mid Yihiin Sidii uu Goluhu uga hawl gali lahaa Xalinta Khilaafaadka Deegaanada Galbeedka iyo Bariga dalka,Xoojinta Nabadgalyada iyo Xog Waraysi ay la yeeshaan Mas’uuliyiinta laamaha dawlada .
Gudoomiye ku xigeenka 1aaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa Mudanayaasha u Iftiimiyay Qodobada ay Shirgudoonkoodu Kaabista ku Sameeyeen,Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed ayaa ka warbixiyay waxyaabihii Gudidooda u qabsoomay Mudadii fasaxa labada Kalfadhi.
Ajandahan Waxaa Ogolaaday 49 Mudane,Waxaana ka Aamusay hal Xildhibaan Gudoomiyuhuna Muu Codayn Sidaas ayaanu ku ansaxmay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Guurti12may.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com