Xisbiga Ucid oo Markii u horaysay ka hadlay Sababta dhalisay in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid uu la Kulmo Madaxweynaha Somalia.
Hargaysa 12.May (SDN) Xisbiga Ucid ayaa maanta ka hadlay Kulan dhex maray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Hogaanka Sare ee Dawlada Somalia iyo Abaabulka Xuska 18 May.
Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid C.naasir Yuusuf Cismaan oo Maanta Warbaahinta u Waramayay ayaa baaq u diray Guud ahaan Taageerayaasha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid oo ay ka dalbadeen inay Si Miisaan leh uga qayb qaataan dabaal dega Qaran ee 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland .
Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid waxaa kale oo uu ka hadlay kulan ay Warbaahintu si weyn u qaadaa dhigtay oo dalka Ingiriiska ku dhex maray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Wadanka deriska aynu nahay ee Somalia Xasan Sh.Maxamud waxaanu sheegay in kulankaasi aanu ahayn mid qorshaysnaa balse ku yimid sida uu yidhi hab kediso ah.
Cabdi Naasir Yuusuf Cismaan waxaa kale oo uu Waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar Sheegaya in Khilaaf soo kala dhex galay isagoo xusay in Xisbiga Ucid uu meel u wada jeedo isla markaana arrintan loola jeedo sida uu sheegay Jahawareerin.
Xoghaye ku xigeenku waxa uu u soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Sheekh C.raxmaan oo ka tiran Golaha Guurtidu inuu ku eekaado Hawsha Golaha Guurtida kadib markii uu Xildhibaankani Naqdiyay Shirka Talo qaran ee uu ku baaqay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo uu ku tilmaamay mid dalka dib ugu celinaya hanaankii Shir beeleedyada ,Waxaanu Xoghayuhu intaasi ku daray in Mudanahan aan waxba laga weydiinayn arrimaha uu ka hadlay
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com