|

Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Statistics-ka {DHAGAYSO}

Hargaysa 12.May (SDN) Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada ee  Jamhuuriyada Somaliland oo  uu Shir Gudoominayay Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi  Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxay Mudanayaashu ku Meel Mariyeen  Xeerka Statistics-ka oo dhawaan uu Golaha Guurtida wax ka bedel aan badnayn ku soo sameeyay.

Fadhigan oo ay kasoo xaadireen lix iyo afartan xildhibaan ayaa waxaa Ogolaaday ansixinta Xeerkan  39 Xildhibaan ,Waxaa Ka aamusay 6 Mudane,Cid diidayna ma ay Jirin Gudoomiyuhuna Muu Codayn sidaas ayaanu ku ansaxmay Xeerkani.

Halkan ka Dhagayso Jewigii Madasha Golaha Wakiilada .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XeerkaStatistics12.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed