|

Xubno Ka socda Beelaha ka qeybgalaya shirka Kismaayo oo isaga baxay (Sababta)

Muqdisho May 12 2013 (SDN)— Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Odoyaal ka qeybgalayay shirka ka soconaya Magaaladaasi ay isaga baxeen Shirka kaddib arrimo ku aadan mustaqabalka go’aanada shirkaasi.

C/nuur Maxamed oo kamid ah odayaashii ka baxay shirka ayaa sheegay in ergada la xereeyay oo la sheegay inay soo dooranayaan madaxweynaha maamulka Jubbaland loo baahan yahay in si siman loo wadaago oo sharci ahaan la waafajiyo hadii aan la waafajina uu tilmaamay inay dhibaato ka dhalan karto.

Wuxuu sheegay inay jiraan musuq maasuq ku aadan sida loo xulay ergada iyo sidoo kale habka awoodaha loogu kala qeybiyay,wuxuuse sheegay inay wanaagsan tahay in wax waliba nidaamka loo maro.

C/nuur Maxamed ayaa ka digay dhibaato ka dhalata Magaalada Kismaayo iyo in la isugu gacan qaado gudaha Magaalada Kismaayo.

Shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maalmahan dambe wajahaya dhibaatooyin kala duwan kadib markii odayaal badan ay isaga baxeen shirkaasi.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed